SOMCABLE

Crystal Palace Oo Tuntay Chelsea Si Ay Dhibicdii Ugu Horreysay Horyaalka U Xoogsato

Wilfried Zaha ayaa u dhaliyey goolka guusha ee Crystal Palace ku tuntay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Chelsea si ay u hesho guushii ugu horeysay ee ay horyaalka Premier League ka gaadho xili ciyaareedkan.

Palace ayaa guuldaraysatay dhamaan todobadii ciyaarood ee ay hore horyaalka u soo ciyaartay – oo ay ku jiraan saddex ciyaarood oo ah kuwa laga badiyey intii uu haystay tabobare Roy Hodgson – waxaanay sidoo kale ku fashilmeen inay wax goolal ah dhaliyeen kulamadaas.

Ugu dambeyn waxay soo afjareen daqiiqadihii 731 ka ahaa ee ay gool uun sugayeen, markii uu Yohan Cabaye ku qasbay kubad uu xabadka ku dejistay, inay ka danab kacdo David Luiz shabaqana uu ku shubo difaacyahanaka naadiga  Chelsea ee Cesar Azpilicueta.

Hogaamintii ciyaarta ee kooxda Palace waxay sii socotay sideed daqiiqo oo kaliya iyadoo uu koorne uu soo laagay Cesc Fabregas uu madaxeeyey Tiemoue Bakayoko.

Laakiin, Zaha, oo ka soo laabtay dhaawac uu ku maqnaa, ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1 wax yar ka hor intii aanu dhicin  siidhiga dhamaadka qaybta koobaad, kooxda tabobare Hodgson waxay guusha sii xejisatay qaybtii dambe.

Guushani kama kicinin kooxda Palace barta ugu hooseysa ee liiska kala saraynta horyaalka Ingiriiska, laakiin waxay soo gaabiyeen kuna soo koobeen 2 dhibcood, masaafada ay u jiraan kooxda u soo xigts.

Leave a Reply