SOMCABLE

Congo: Nin Isku Sawiray Daanyeerka Goriilaha Oo Aad Loo Qaadaa Dhigay !

Nin u dhashay Dalka Congo ayaa waxa uu baraha bulshada ku baahiyey Sawir uu la galay Daanyeerka Goriilaha Loo yaqaan kaasi oo lagu tilmaamo in uu ka sii dabar go’ayo dunida.

Ninkan oo ka hawl gala beerta lagu xanaaneeyo xoolaha ee Veronaga ayaa xilli uu ku guda jiray shaqadiisa waxa uu sawir aad u qurux badan la galay daanyeerkaasi, sida lagu baahiyay The Independent oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay waxa dadka sawirkaasi falanqeeyay ay aad u layaabeen isla markaana aad u qaadaa dhigeen qaabka uu daanyeerkaasi u taagan yahay iyo sidoo kale qaabka uu labadiisa gacmood u laabtay waxa aanay ku tilmaameen in taagnidiisu ay shabahdo taagnida qofka bani aadamka ah.

Daanyeerkan ayaa sidoo kale waxa uu si wanaagsan ula socda kamarada lagu sawirayay, beertaasi ayaa waxa ka hawl gala 600 oo shaqaale ah waxa aanay qaataan tababbaro badan oo lagu baro xeeladaha ay isku difaaci lahaayeen haddiiba ay xayawaanada lagu xanaaneeyo goobtaasi soo weeraraan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply