SOMCABLE

CIRRO Oo Xukuumaddu Ku Eedeeyay Inay Ku Fashilantay Siyaasadaha Gudaha, Dibedda, Dhaqaalaha & Midnimada Shacabka 

Hargeysa, 6 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu ku fashilmay fulinta ballan-qaadyadii  uu xilligii ololaha u sameeyay Shacabka Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo Shalay u warramay Telefiishanka SAAB oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi aanay waxba ka qabanin hoos u dhac uu sheegay inuu ku yimid siyaasadaha Arrimaha gudaha, dibedda iyo dhaqaalaha.

Guddoomiyaha WADDANI oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Madaxweynaha wixii laga filayey iyo Barnaamijkii uu Shacabka u ballan-qaaday ma fulin, waxaan u arkaa in hoos u dhac badani jiro ama Fashil uu ku yimid Siyaasadaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha gudaha, midnimada Shacabka iyo dhaqaalaha.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo la waydiiyey sida uu u arko 80 Milyan oo Dollar oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi sheegtay inay ku wareejisay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku jawaabay “Waxa Saxaafadda ku jirtay in la soo bandhigay in Xukuumaddii hore ee KULMIYE ay Xukuumaddan cusub ee Kulmiye ku wareejisay 80 Milyan oo Dollar oo Deyn ah, Shacabku intaaba way hadal hayeen Deyn baa lagu wareejiyey Madaxweyne Muuse, Deyn la qariyey ayay ahayd, sabab Shacabka looga qariyeyna ma garanayo, ilaahay baa khashifay baan is leeyahay oo wixii Shacabku sheegayey way soo baxeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa in Deyntaa si faahfaahsan Shacabka loogu sheego, siduu Shacabku u Deymoobay loo sheego, War-bixin buuxdana Shacabka loo soo bandhigo..”ayuu yidhi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply