SOMCABLE

Cilmi-baadhis: Ma Ogtahay In Malabku daawo ka yahay Daalka Iyo Hurdo?!

Malabka saafiga ah waxa aynu u isticmaalaan waxyaabo badan oo ay uu mid yahay daaweynta durayga, qufaca iyo wixii la hal maala, balse waxa kale oo haatan la caddeeyay in Malabku daawo ka yahay baabi’inta Daalka iyo sidoo kale Hurdo La’aanta .

Sida lagu baahiyay Barta Daily Health Post oo lagu soo bandhigo natiijooyinka wax ku-oolka ah ee ka soo baxa cilmi-baadhisaha caafimaad ee khubarada adduunku soo bandhigaan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, khabiir ku xee-dheer arrimaha caafimaadka oo lagu magacaabo Ron Visendon, waxa uu baadhitaano badan ku sameeyay faa’idooyinka aan hore loo ogeyn loona shaacin ee uu malabku leeyahay, waxaana baadhitaanno badan oo uu sameeyey uga soo baxay in Cunista malabka xilliyada Hurddada muddo daqiiqada ah ka hor ay baabiiso daalka iyo hurdo la’aanta labadaba .

Dhakhtarkan waxa uu kula taliyay dadka inta badan ka cawda hurda-yarida in ay iska joojiyaan cunista kiniinada Hurdada, taas beddelkeedana ay isticmaalaan Malabka oo ah daawo dabiici ah oo dabeecad ahaan iyo Aqoon ahaanba loo xaqiijiyey inuu daawo ka yahay xannuuno badan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply