SOMCABLE

Ciidanka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Rag Iyo Gaadiid Loo Haysto Dilkii Labada Sarkaal

Hargeysa, (Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la soo qabtay Saddex ka mid ah Dablay hubeysan oo Toddobaadkii hore Gobolka Sanaag ku dilay Taliyihii xabsiga degmada Gar-adag Marxuum Gaashaanle Cabdillaahi Axmed Tallan, iyo Taliye xigeenkii ciidanka Booliska Gar-adag Marxuum Laba Xiddigle Nuur Aw Cali Nuux oo Alle haw naxariisti toddobaadkii hore ay jidgooyo ku dileen.

Ciidammada Amniga oo Maalmihii u dambeeyay ku gudo jiray hawl-gallo ay ku baadi doonayeen Gacan ku dhiigleyaasha dilay labada Sarkaal, ayaa gacan ku dhigay Shalay saddex ka mid ah Gacan ku dhiigleyaasha iyo Toban Qof oo taakulanayey iyo weliba Shan Gaadhi oo ay falkaa u adeegsadeen.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Maanta waxa Gacanta lagu hayaa Saddex ka mid ah Raggii fuliyey Hawl-galkaa (Labada Sarkaal lagu dilay) iyo 10 Nin oo loo haysto abaabulayaal, Gacan-siin, Taakulayn iyo Rag baadhis ay ku socoto oo Tuhumo ay soo galeen, tobankaa Nina waalla hayaa.”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay, “Waxa kale oo la hayaa Gaadiidkii ay Nimankaasi ku hawl-galeen, Afar Gaadhi oo ka mid ah Gaadiidkii lagu hawl-galay iyo Hal gaadhi oo markii hawl-galku dhacay taakulaynta samaynayey, intaas Gacanta ayaa lagu hayaa oo baadhitaankii ayaa lagu wadaa, sharciga ayaana la hor-geynayaa..”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply