SOMCABLE

Ciidanka Booliska Oo Qabtay Maandooriyaha Loo Yaqaano Xashiishada Oo Jeelka Weyn Ee Hargeysa Loo Gudbinayey  

Hargeysa, 19 August, 2019 (Himilo)-Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku dhigay Maandooriyaha loo yaqaano Xashiishada oo la doonayey in loo gudbiyo Jeelka weyn ee Hargeysa.

Taliye ku xigeenka guud ee Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa shalay Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen Maandooriyaha loo yaqaano Xashiishada iyo Laba qof oo ku eedeysan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Ciidanka Booliska oo Maalin iyo Habeen ba ku jira heegan oo ka hawlgalaya oo sugaya nabadgelyada dalka iyo amniga oo la dagaalamaya Mukhaadaraadka oo dhammaan gobollada dalka uu hawlgalkaasi ka socdo ayaa waxay Ciidanka Boolisku ku guuleysteen Xidhmooyinka Qaadka ah ee halkan yaalla oo ay ku dhe jiraan Mandooriyaha loo yaqaano Xashiishadu inay gacanta ku dhigaan”. Taliye Fooxle waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Maandooriyahan waxa loogu talo galay in loo gudbiyo Xabsiga weyn ee Hargeysa, taasi oo la doonayey in Jeelka looga tuuro daarada, kadibna Ciidanka Booliska ee roondada ku jira ee amniga sugayey ayaa gacanta ku soo dhigay”.

Fooxle waxa kale oo uu sheegay tirada dadka maandooriyahaasi lagu qabtay, “Waxa lagu hayaa laba eedeysane oo waxay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska, sharciga ayaana la hor geyn doonaa haddii ALLE yidhaa”.

Dhinaca kalena, Taliye ku xigeenku waxa uu sheegay in saldhigyada Booliska qaarkood lagu qabtay Maandooriyeyaal Raashinka loogu soo dhex rido Maxaabiista, “Laba saldhig oo ka mid ah kuwa Hargeysa waxay ku guuleysteen inay qabtaan Maandooriyayaal baco lagu soo xidhay oo la soo dhex geliyey raashinka Maxaabiista, taasina ciidanka aad iyo aad ayaan ugu ammaanayaa oo way ku guuleysteen”.

Ugu dambeyntiina Taliye ku xigeenka guud ee Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, waxa uu farriin codsi ah u diray dadweynaha Somaliland, “Dadweynaha waxaan ka codsanaynaa in meel kasta oo ay ku tuhmaan ama ay ku arkaan darroogada oo mustaqbalkii ummadeena baabiinaysa inay Ciidanka u soo sheegaan, waxaana jira Ciidan gaar ah oo tababbaran oo aan seexan oo habeen iyo maalin hawshaasi ku guda jira”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply