SOMCABLE

Ciidammada Amniga Oo Hal Qof U Qabtay Nin Habeen Hore Lagu Dilay Hargeysa

Hargeysa, 28 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa ka hadlay hal Qof oo Habeen hore lagu dilay Magaalada Hargeysa.

Hal Qof oo Rag ah ayaa lagu dilay Toorey habeen hore Fiidkii, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidammada Booliiska, Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo Shalay ka hadlayey shir-jaraa’id oo Taliska Ciidammada Boolisku ku qabteen Xaruntooda Hargeysa.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Marxuumka la dilay uu Magaciisu ahaa Naasir Faarax Cawil, halka Gacan ku-dhiiglaha Dilka geystayna uu Afhayeenku Magaciisa ku sheegay Mukhtaar Koosaar Aadan.

Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Booliiska Faysal Xiis Cilmi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Shalay (Doraad) oo bishu ahayd 26, goor Saacaddu ahayd 8:30 habeennimo waxa toorray lagu dilay Allaah ha u naxariistee Marxuum la odhan jiray Naasir Faarax Cawil, waxaana dilkaa geystay Gacan ku-dhiigle Mukhtaar Koosaar Aadan, Ciidanka Boolisku Gacanta ayay ku soo dhigeen Ninkaas iyo Tooraydii uu wax ku dilayba.”

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply