SOMCABLE

China: Xayawaan Gaadhi Dhooli Ah Hor Kacay Oo Ku Hagay Goobtii Uu Yaalay Ninkii Carbiyey Oo Koomo Galay !

Falalka ay ku kacaan xayawaanada qaarkood ayaa ah kuwa sababa in marar badan ay dadku isweydiiyaan sida uu xayawaankaasi u sameeyay maadaama oo Xayawaanku aanu lahayn Caqli uu wax ku kala garto.

Magaalada Yuncheng ee Dalkaasi China ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad u layaab badan oo soo jiidatay warbaahinta Caalamka Guud ahaan, dhacdadan ayaa waxay dhacday kadib markii nin meel wado ah marayey uu si lama filaan ah waddadii uga dhacay isla markaana uu koomo galay.

Intaasi kadib ayaa dadkii goobta ka ag-dhawaa waxay isla markiiba La hadaleen Gaadhi Dhooli ah, arrinta cajiibka ah ee dadkii ka yaabisay ayaa waxay ahayd in Eygii uu ninkaasi koomada Galay uu carraray kadibna uu sii istaagay waddadii uu Aumblance-ku soo marayey, markii uu Ambulance-kii soo gaadhay waddadii Eygaasi ayaa hor kacay waxaanu si toos ah u dul geeyay Ninkii koomada galay.

Dadkii goobtaasi ku sugnaa ayaa Eygaasi ku tilmaamay inuu saaxiib aad u qaalli ah uu u ahaa ninkaasi isla markaana uu ka damqaday dhibaatada soo gaadhay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply