SOMCABLE

China: Nin Had Iyo Jeer Sirkhaansan Isagoo Aan Wax Maandooriye Isticmaalin !

Dhakhaatiirta Dalka China ayaa waxa ay ku jaha wareereen nin u dhashay Dalkaasi oo ay sheegeen in uu Had Iyo jeer Sirkhaansan yahay isla markaana aanu wax maandooriye ah haba yaraatee aanu Isticmaalin.

Dhakhaatiirta ayaa waxa ay ugu dambeyn xaqiijiyeen in ninkaasi callooshiisa ay ku nooshay nooc ka mid ah Bakteeriyada oo dhif iyo naadir ah isla markaana ay Bakteeriyadaasi sababayso in uu Sirkhaansanaado.

Sida lagu baahiyey Fox News oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Bakteeriyadaasi ay ka dhallato buburin la’aanta cuntooyinka Sonkorta qaniga ku ah iyo sidoo kale cuntooyinka Kaarboohadarytka ah, arrintaasina waxa ay dhibaato ku sababtaa beerka waxa aanay cuntadaasi marka ay burburi weydo isku beddashaa maandooriye qofka ka dhigaysa in uu Sirkhaansan yahay Isagoo aan wax maandooriye ah Isticmaalin, arrintan noocan oo kale ah ayaan inta badan soo waajihin Dadka dunida ku Nool waana arrin dhif iyo naadir ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply