SOMCABLE

Caqabadaha Sharci Ee Hor Yaalla Garsoorka Dalka !

Q.1aad

Qormooyinkan taxanaha ah ee ka hadlaya oo six eel dheer uga hadlaya Caqabadaha sharci ee hor yaalla Garsoorka Dalka Somaliland oo Wargeyska Himilo, si taxane ah idiinku soo gudbin doono ayaa waxa diyaariyay Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul oo ka mid ah Garyaqaanada dhallinyarada Reer Somaliland ee Sharciga ku baratay gudaha Dalka.

Haddaba, Garyaqaanka ayaa waxa uu six eel dheer uga hadlayaa Caqabadaha Sharci ee hor yaalla Garsoorka Dalka Somaliland, waxaanu Garyaqaanku si mug leh uga hadlay qaybo kala duwan oo dhawr ah waxaanay kala yihiin sidan:-

  1. Dastuurka Iyo Garsoorka Somaliland.
  2. Maxkamadda Sare.
  3. Maxkamadaha Hoose.
  4. Qabyooyinka Ka Jira Xagga Xeerarka.
  5. Xeerka Nidaamka Garsoorka.
  6. Xeerarka Garsoorku ku Garnaqo.
  7. Xeerarka Lagu Maamulo Garsoorka ( Judicial Administration Acts).
  8. Miisaaniyadda Garsoorka Iyo Caqabdaha Dhaqaale.
  9. Talo Soo Jeedin.

Akhriste, haddaba Wargeyska Himilo waxa uu ku soo gudbinayaa qaybtii koowaad ee qormooyinkaasi taxanaha inoo noqon doona ee uu diyaariyey Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi, isla markaana waxa uu ku bilaabay sidan.

DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND

 

Maxkamadda Sare

Markaad eegto qaab-dhismeedka Garsoorka iyo sida uu dastuurku u kala sareysiiyay qeybaha kala duwan ee Maxkamadaha, hadday tahay hannaan dacwadeedyada, iyo Juqraafi ahaan sida ay Maxkamadaha iyo qaab-dhismeedka maamul ee dawladdu isula jaanqaadayaan, waxaan shaki ku jirin inay Maxkamaddu sare tahay hay’adda ugu sarraysa ee jidaynaysa Siyaasadda lagu haggayo Adeegyada garsoor ee heer qaran. Martabaddaasina ma aha uun mid ay siisay dabeecadda shaqo ee arrimo garsoorku, balse waa mid dastuuriya oo ku sallaysan nidaamka sharci ahaan loogu talogalay inuu u shaqeeyo Garsoorku.

 

Haddaba, inta aynaan ka jawaabin, bal inuu dastuurku siiyay Madaxbannaanidii mabda’ ahaaneed iyo shaqo ahaaneed ee uu baahnaa, waa inaynu su’aashaas ku tijaabinnaa Maxkamadda Sare, inagoo eegayna bal awooda dastuuriyeed ee Maxkamadda Sare ay haysato, inagoo bar-bar dhigayna labada Waaxood ee dhiggeega ah (Fulinta iyo Xeer Dajinta). Sababta aynu Maxkamadda Sare ugu horreynaynaana, waa innagoo filayna inay tahay tii ugu sarreysay Maxkamadaha. Sidaa darteedna aynu filayno, inay tahay, tan haysato madaxbannaanida ugu badan, marka laga hadlayo madaxbannaani awoodeed oo ku sallaysan sharci.

 

Maxkamadda sare oo ay ugu maqaam sarreeyaan, Guddoomiyaha, Ku-xigeenka iyo garsoorayaasha kale ee ka hawlgala. Garsoorayaashan kale ee Maxkamadda sare, ma haystaan dammaanad xileed oo siisa kalsoonidii iyo dhiiranaantii uu xilka garsoorannimo uga baahnaa. Marka laga reebo, guddoomiyaha oo qudha, Waxay xil heynta garsoorayaasha kale ee Maxkamadda sare uu ku xidhan yahay rabitaanka Madaxweynaha (Dastuurka; Qodobka 105/1).

 

Awoodaha garnaqsiyeed ee maxkamadda sare, waa mid wada-tashi, oo ay ka go’aan gaadhisteedu ku xidhan tahay ugu yaraan saddex garsoore. Haddaba guddoomiyaha, oo ah kan qudha ee xilka-qaadistiisu ay u baahan tahay ogolaanshe baarlamaan, ayaanay madaxbannaanidiisaasi waxba ku filleyn, mar haddii aanu kaligiis lahayn awood go’aaneed.

Sidaa darteed, ayaa awooddii dib-u-eegiseed ee ay Maxkamaddu ku saxaysay go’aannada Maxakamadaha darajada 1-aad u noqotay mid aan ka fayoobayn saamayn siyaasadeed.

 

Marka lagu guuldarreysto farogalinta Maxkamadda darajada 1-aad, waxa la fahmey inay Garsoorayaasha Maxkamada sare ay yihiin kuwo ugu nugul in la farogalin karo go’aanaddooda. Kuwaasi oo ay dhinacyadu u galaan olaloyaal badan (lobby), iyagoo adeegsanaya shaqsiyaad saameyn leh oo ka tirsan Waaxaha kale ee Dawladda, ama shaqsiyaadka xidhiidhka dhaw la leh. Tanina waxay keentay inay Maxkamada sare kusoo fattahaan, Rafcaano tiro dhaaf ah oo kaga imanaya Maxkamadaha kale duwan. Waxaana naadir noqotay, inay dhinacyadu ku qancaan go’aannada Maxkamadaha Hoose.

 

Rafcaannada tiro dhaafka ah, ee kusoo fattahaya Maxkamadda sare waa kuwo ka awood badan oo aanay ka dabbaalan Karin. Waayo, Markaad Is bar-bar dhigto tirada garsoorayaasha Maxkamada sare iyo rafcaannadda kaga soo qul-qulaya dhammaan gobolladu dalku, waxay ku tusaysaa, baaxadda culeys ee saaran Garsooreyaasha Maxkamada sare, ee u nugul saamayn kasta oo xidhiidh la leh mansabkooda garsoorannimo.

 

Sidoo kale Maxkamadda Dastuuriga ah, oo qeyb ka ah Maxkamadd Sare, ayaa guud ahaanba la tabbayaa doorkii ay ku lahayd ilaalinta iyo taabogalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta. Waxaanay shaqadii maxkamaddu noqotay mid ku eeg ka garnaqista dacwadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Waaxaha dawladda iyo axsaabta siyaasadda. Taasi oo loo aanayn karo, marka laga tago, dammaanad la’aanta xileed ee garsooraysaaha, qabyooyinka sharciyeed ee aan illaa maanta waxba laga qaban.

 

Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ah laan garsoor, oo dabeecad ahaan iyo falsafad ahaanba ka duwan Maxkamadda Sare ee Caddaaladda, ayaan guud ahaanba lahayn dhismihii sharciyeed ee qeexeeyay waajibaadkeeda, doorkeega garnaqiseed, iyo hannaanka dacwadeed ee ay ku hawlgalayso (Procedural rules), marka ay ka jawaabayso cabashooyinka dastuurig ah ee la xidhiidha go’aamada fulineed ee hay’adaha xukuumadda.

 

Dib-u-eegista Go’aannada maamul, ee kasoo baxa haya’adaha fulinta, ayaa iyaguna ah, waajib ka mida waajibada garsoor ee ay Maxkamadda sare gaarka u leedahay. Maxkamada Sare sidoo kale, malaha waax amma laan gaar ah, oo u xilsaaran dib-u-eegista cabashooyinka la xidhiidha arrimaha maamul (Judicial Review of Administrative Decisions). Waxaana meesha ka maqan hannaankii sharciyeed ee qeexi lahaa hababka loo marayo iyo go’aamada maamul ee looga soo caban karo Maxkamadda

 

Dib-u-eegista Rafcaanada Gobollada ayuu doorkii Maxkamadda kusoo ururay, Waxaana la odhan karaa waxaan gabi ahaanba meesha ka muuqan amaba lagu  fashilmay in la hirgaliyo hannaan Garsoor oo dib-u-eegis ku sameeya go’aamada maamul ee caddaaladnimadooda laga soo caban karo, amaba xadgudub ay muwaadiniintu ka tirsan karaan.

 

Hirgalinta Nidaamkaasi Caddaaladeed ee u dhexeeya Muwaadiniinta iyo Xukuumaddu, wuxuu dawo u noqon lahayd tacadiyada, xilgudasho la’aanta iyo amarku-taaglaynta ay muwaadiniintu adeeg-sugayaasha ahi ay had iyo goor kala kulmaan xafiisyada kala duwan ee Waaxda Fulinta. Waxa adkaan lahaa ku dhaqanka iyo sarraynta sharciga, oo aanay cid gaar ahi si gaar ah uga faa’iidaysateen, in kalena aanay ku hoos dulmannaanteen. Haybadda Qarannimo iyo kalsoonida muwaadiniintu ku qabaan awoodda sharcigu leeyahay ayaa kor u qaadmi lahayd.

La Soco…