SOMCABLE

Cali Khaliif Galaydh Oo Sheegay In Madax-dhaqameed Reer Khaatumo Ah Oo Jooga Muqdisho & Garoowe Ay Mushahar Ka Qaataan Dawladda Somaliland

USA, 8 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Hoggaamiyaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in awood-qaybsi ay ka helaan Somaliland inay ka door-bidayaan Sinnaan iyo Caddaalad Bulshadu ku wada noolaato.

Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan Dalka Maraykanka oo uu dhawaan dib ugu laabtay markii Wada-hadalladii uu Somaliland la lahaa dhamaadeen, ayaa hadal uu u jeediyey Jaaliaydda Khaatumo iyo Somaliland ee Magaalada Minneapolis, ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Garaaddada Dhulbahante ee ka soo horjeeda Khaatumo isla-markaana ku sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ay qaarkood Mushahar ka qaataan Somaliland, arrintaasina tahay mid uu ujeeddadeeda fahmi waayay.

Galaydh oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Intaanaan Awood-qaybsi gaadhin annaga waxa Lambarka koowaad noo ah haddii aan Bulshada sharciga iyo kala dambaynta lagu xukumayn kama mid noqonayno, haddaan sidii ku dhaqanka Sharciga lagu gaadhi lahaa (Laga shaqaynayn) oo Qofka reer Somaliland aanu xuquuqdiisa lahayn Annagu Raali kuma noqonayno Amar ku taaglayn.”

Madaxweynaha Khaatumo wuxuu sheegay in kalsoonida Shacabku lumayso hadday arkaan in Masuuliyiinta Khaatumo lagu garaacayo Cid ay ogyihiin in aanay Somaliland ahayn “Hadday Dadku arkaan in Madaxweynaha Khaatumo iyo Masuuliyiinta Dadkaa matala (khaatumo) in lagu garaacayo kuwo uu ogyahay in aanay Somaliland-ba ahayn oo Garoowe ama Hargeysa jooga (waa dhibaato)..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in waxa Somaliland dhaqayaa tahay Caddaalad “Waxa adiga ku dhaqaya ee (keenaya) Bulsho sinnaan iyo Caddaalad ku wada nool, Xalaal iftiin baa la qashaaye waa la qaban karaa wax bulshada Kalsooni ku abuuri kara.”

Cali Khaliif wuxuu sheegay in Garaaddo Dhulbahante ah oo jooga Muqdisho iyo Garoowe ay Mushahar ka qaataan Somaliland “8 ama 9-ka Garaad ee Dhulbahante ee Hadda noogu daran ee Garoowe ama Xamar ka soo jalo-butaynaya mid walba wuxuu Somaliland ka qaataa laba kun oo Dollar, arrintaasi way isku kay qaban wayday…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Isaaq malaha Ingiriiskii ayuu ka dhaxlay Qaybi oo xukunta, laba Nin oo Dhulbahante oo wada socda hadday helaan waxay jecel yihiin inay midba wax gooniya dhegta u saaraan.”

Prof. Galaydh wuxuu sheegay in Garaaddada uu sheegay inay Somaliland Mushahar ka qaataan aanay mushahar Bixintoodu mari jirin Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii Siilaanyo Marwo Samsam Cabdi Aadan, balse ay si toos ah uga qaadan jireen Madaxtooyada.

Madaxweynaha Khaatumo wuxuu sheegay inay jecel yihiin in heshiiskii ay la saxeexdeen Somaliland in sidiisa loo fuliyo, isaguna aanu dan gaar ah ka lahayn arrintaasi, balse uu doonayo in Ummaddu walaalowdo isla-markaana la dhiso Somaliland lagaga dhaqmo Caddaalad iyo sinnaan.

Leave a Reply