SOMCABLE

Cajiib: Haweenay Sawir Ay Ku Galaysay Waddooyinka Tareenka U Gaarka Ah Uu Nolosheeda Gallaaftay !

Muddooyinkan danbe Sawirada ayaa gallaafta nolosha dad tiro badan, sababtuna waxay
tahay in dadkaasi ay isku dayaan inay sawirada Selfiga ah ku galaan goobo halis galinaya
naftooda.
Haweenay u dhalatay Dalka Thialand ayaa waxay isku dayday in sawir ku gasho mid ka
mid ah waddooyinka u gaarka ah tareenada ee Dalkaasi laakiin nasiib darro gabadhaasi
waxa jiidhay Tareen soo maray xilli ay waddadaasi dhex jiifsatay iskuna diyaarisay inay
sawirka iska qaado.
Sida uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay The Telegraph ayaa sheegaya in gabadhaasi
magaceeda la odhan jiray Waililak Sokoma waxaanay da'deedu ahayd 28 jir, gabadhaasi
ayaa waxay goob u dhaw waddada tareenka ee Samsun kuna taalla caasimada Dalkaasi .
Ciidammada Bileyska dalkaasi ayaa waxay sheegeen in gabadhaasi jeclaystay inay gasho
sawir tareen ka muuqdo, laakiin nasiib darro waxa jidkaasi si kedis ah usoo maray
tareenkaasi oo lugta ka jaray gabadhaasi.
Intaasi kadib ayey ciidammadu si degdeg ah u geeyeen dhakhtarkii ugu dhawaa kadibna
ay ku geeriyootay.
Sawirkaasi Selfiga ah ayaa waxa uu gallaaftay nolosha Gabadhaasi.

Leave a Reply