SOMCABLE

Cabbista Shaaha Aadka U Kulul & Saamaynta Uu Leeyahay !

Deraasad ay soo saareen khubaro Caafimaad oo u dhashay Dalka China ayaa waxay
cadeeyeen in cabbista shaaha aadka u kululi sababo cudur halis ah oo aanay dad badani
ogeyn.
Cudurkaasi halista ah ee shaaha kululi uu sababo ayaa waxa uu yahay Canser-ka Cunaha,
Cudurkaasi ayaa waxa uu inta badan ku dhacaa Dadka Aadka u Caba Alchol's-ka
‘Khamriga’.
Dadka uu cudurkaasi halleelo ayaa waxa la sheegay inay u geeriyoodaan cudurkaasi inta
ugu badan waxay sii noolaadaan muddo shan sano ah kadib marka la ogaado inuu
xanuunkaasi hayo waa sida ay deraasadaasi sheegtaye wallaw Ajasha Qofku ku xidhnayn
xanuun iyo caafimaad qab oo qof kastaaba Hoyanayo xilligii Ilaahay Oofsado.
Deraasadani ka soo baxday dalka China ayaa waxa ka soo hor jeedsaday khubarada
Caafimaadka ee Dalka Britain waxa aanay sheegeen in cabbista shaaha aadka u kululi
aanay ka mid ahayn caadooyinka dalkooda ee ay tahay Caado ku kooban Dalka China sida
Lagu baahiyay Wakaalada wararka ee Sky News Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Leave a Reply