SOMCABLE

Caaqil Cabdiqaadir San-wayne oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Dagaal-beeleed Ka Dhacay Ceel Af-weyn

Hargeysa (Himilo) – Caaqil Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan (CaaqilCabdiqaadir San-weyne) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalka soo noq noqday uu ku dhex maray deegaanka degmada Ceel-afweyn  oo mar kale Maanta  dagaal kale ka soo cusboonaaday.

Waxaa kale oo uu Caaqil Cabdiqaadir Sanweyne ugu baaqay Madax-dhaqameedka Somaliland in gurmad nabadeed oo deg deg ha loogu boxo deegaanada dirirta sokeeye ka socoto.

Caaqilka oo Caawa warramay Warbaahinta ayaa yidhi “Waa wax laga xumaado in maalin walba halkaa (Ceel-afweyn) qaylo colaadeed ka soo yeedho oo dhiig ku daato, waxaynu ognahay in muddo badan halkaa loo joogay sidii nabad waarta dadkaa walaalaha ah loo dhex dhigi laha, laakiin haddana shaydaan ayaa ka adeegtay oo waatan soo noqotay, waxaan leeyahay waar shaydaanka iska naara oo ha hor cararina if iyo aakhiraba wuu idin seejinayaaye, nabad ayaanu idiinku  baaqaynaa ee naga aqbala oo nabadda qaata..”

Baq

Caaqil Cabdiqaadir San-weyne oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Culimo, codkar iyo goleyaasha qarankaba waxaan ugu baaqayaa in ay xaaladda Ceel-afweyn fadhiga uga kacaan oo Xukuumad iyo asxaab-ba in laga wada hawlgalo oo fadhiga laga koco illaa eelka gunta ka jira la soo taabtana aan laga iman, dawladdana waxaan ugu baaqayaa in ay tallaabo ka qaado cid kasta oo arrintaa nabadaynteeda ka soo hor jeedsata.”

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply