SOMCABLE

Burco: Maxkamadda Gobolka Togdheer Oo Xukun Ku Ridday Dambiileyaal Lagu Qabtay 439 Litir Oo Khamri Ah

Burco, 29 Noofambar, 2018 (Himilo) – Maxkamadda Gobolka Togdheer ayaa Shalay xukun ku riday Laba Qof oo lagu eedeeyay ka Ganacsiga Maandooriyaha loo yaqaan Khamriga, kaasi oo Ciidammada Boolisku qabteen.

Iimaan Batuun oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Togdheer oo xukunka ku riday labada Nin ee Khamriga lagu qabtay oo Xukunkaasi ridaya ayaa yidhi “Waxaanu halkan ku haynaa 439 Litir oo Maandooriyaha Khamriga ah, kaasi oo ay soo qabteen Ciidammada Boolisku. Laba Nin oo eeddan Qiraal ku ahaa waxaan ku xukumay min Saddex Sannadood oo xadhig ah iyo Min Saddex Milyan oo Ganaax ah, hadday bixin waayaana Xadhig loogu beddelayo.”

Sidoo kale, Garsooruhu wuxuu halkaa ka sheegay in Maxkamaddu Xorriyaddiisa u celisay Nin ay Walaalo ahaayeen mid ka mid ah Labada Ragga ah ee Khamriga lagu qabtay, kaasi oo la qabtay isagoo Gurigiisa ku haysta Baaskoolad “Waxa kale oo aanu Xorriyaddiisa u celinay Mukhtaar Aadan Cabdi oo ay Walaalo yihiin labada Nin ee la xukumay midkood, kaasi oo lagu qabtay Baaskoolad, markaa maaddaama oo aan dambi kale lagu haynin Dawladdu waxay la wareegtay  uun Baaskooladdii uu sida Sharci-darrada ah u haystay, isagiina Xorriyaddiisa ayaanu u celinay..”ayuu yidhi.

Taliyeyaasha Saldhigyada Booliiska ee Xaafadaha Faarax Oomaar iyo Aadan Saleebaan oo iska kaashaday soo qabashada Maandooriyaha Khamriga oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan dedaallada ay Ciidan ahaan kula dagaalamayaan Khamriga iyo Dadka ka Ganacsadaba.

Intaasi ka dib, waxa 439-kii Litir ee Khamriga ahaa lagu burburiyey Albaabka hore ee Maxkamadda Gobolka Togdheer.

Maaha markii koowaad ee la xukumo Dad lagu qabtay Khamri ay ka Ganacsanayeen, balse Ciidammada Booliiska ee Gobollada dalka Somaliland ayaa si joogto ah u qabta Gaadiid dhanka Itoobiya lagaga soo daabulay Maadooriyeyaasha kala ah Khamriga iyo Xashiishadda, kuwaasi oo Ganacsi ahaan loo keeno Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply