SOMCABLE

Britain: Nin Soo Barraarugay Xilli Uu Qaliin Ku Jiray, Kadibna La Hadlayna Dhakhaatiirtii Qaliinka Fulinaysay !

Dalka Britain ayaa waxa ka dhacday arrin aad u layaab badan oo ah in nin qaliin ku jiray oo dalkaasi u dhashay uu soo barraarugay xilli ay dhakhaatiirtii qalayey ku guda jireen qaliinkaasi.

Ninkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Cameron Ray waxa aanay da’diisu tahay 20 jir waxa aanu la hadlay mid ka mid ah dhakhaatiirtii qaliinka fulinayay, Cameron ayaa waxay dhakhaatiirtu ka qalayeen buro kaga taala maskaxda waxa aanay dhakhaatiirtu sheegeen in buradaasi ay kaga taalo dhinaca biddix.

Sida lagu baahiyey Wargeyska Daily Malil oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Cameron ayaa markii uu soo barraarugay waxa uu dhakhaatiirta weydiiyay inay gabi ahaan ba maskaxdiisa soo saareen iyo in kale.

Dhakhaatiirta fulinayey qaliinkani ayaa sheegay inay ku guuleysteen waxa aanay sheegeen in qaliinada noocan oo kale ah aanay dadku soo barraarugin.

Sidoo kalena waxay sheegeen in marka qofku jiro qaliinka oo kale haddii uu bukaanku halkiisa ka dhaqaaqo Milimiter qudha uu halis u yahay in maskaxdiisu istaagto, balse Cameron uu arrintaasi ka badbaaday.

Cameron ayaa maalmo kadib markii qaliinkaasi lagu fuliyay waxa uu saxaafada u sheegay in aanu sawiri karayn qaabka ay arrintani u dhacday waxa aanu sheegay inuu culays badan dareemayay markii uu hadalkaasi ku dhawaaqayay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply