SOMCABLE

Boqorka Sacuudiga Oo Dalalka Carabata Ugu Baaqay Shirweyneyaal Deg Deg Ah & Sababta Xilligan Keentay

Jeddah, 20 May, 2019 (Himilo)-Boqorka dalka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saameyntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishan May.

Baaqaan ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku sii sharreerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xidhiidha wax uu ku tilmaamay ‘khatar’ uga imanaysa Dalka Iran.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply