SOMCABLE

Boqorka Malesia Oo Guursaday Boqoradii Boqorada Quruxda Dalka Ruushka Ee Sanadkii 2015kii !

Boqorka Dalka Malesia ee Boqor Maxamed-ka 5aad ayaa waxa uu maalmo ka hor guursaday haweenay u dhalatay Dalka Ruushka.

Arooska Boqorka ayaa ah mid aan aad loogu baahin warbaahinta, balse sawiradii xaflada arooskaasi ayaa waxa aad uu qaadaa dhigay wakaaladaha wararka ee caalamiga ah, boqor Maxamed-ka 5aad ee haatan ah boqorka Dalkaasi Malesia ayaa waxa uu guursaday haweenay magaceeda la yidhaahdo Oskana Fodiovina Oskana oo u dhalatay dalka Ruushka, taasoo sanadkii 2015kii ku guuleysatay Boqorada Quruxda Dalka Ruushka.

Oskana oo ah haweenay ku guuleysatay mid ka mid ah tartanada quruxda ee dalkaasi Ruushka ayaa ah haweenay aan aad ugu badnayn qaadaa dhiga saxaafada Adduunka arrintaasina waxay sababtay in suxufiyiin tiro badan ay baadi goobaan taariikh nololeedkeeda, Oskana waxay baratay Cilmiga dhaqaalaha waxaanay ka baratay Jaamacada Plekhanov ee dalkaasi Ruushka oo ah jaamacada ay wax ka soo barteen haldoorka ugu caansan dalkaasi Ruushka.

Ilaa iyo haatan lama ogo sida uu ku bilaabmay xidhiidhka dhex Maray Boqorka iyo Oskana, laakiin waxa la xaqiijiyay in waalidka Oskana uu la lahaa Boqorka Malesia xidhiidha saaxiibtinimo oo aad u wanaagsan sidaasi awgeedna uu u ogolaaday Guurkaasi, arooskan ayaa ahaa mid ay Boqortooyada dalkaasi si qarsoodi ah u fulisay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply