SOMCABLE

Boqoradii Quruxda Ruushka Oo Sheegtay In Furriinkeeda Loo Soo Mariyey Internet-ka !

Oksana Vovodina Boqoradii Quruxda ee Dalkaasi Ruushka aheydna xaaskii boqorka Dalkaasi  Malaysia ee Boqor Maxamed-ka shannaad haatana da’deedu tahay 27 jir ayaa waxa ay ka hadashay qaabkii uu u dhacay furniinkii ay ku kala tageen saygeedii hore.

Oksana Vovodina ayaa wareysi ay siisay saxaafada Daily Mail ee Dalkaasi Britain oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay waxa ay shaaca kaga qaaday qaabkii uu u dhacay furniinkeedu waxa aanay sheegtay in Boqor Maxamed-ka Shannaad oo Internet-ka ka furay, waxa  kale oo ay sheegtay in aanay arag isla markaana aanay wada hadal saygeedii hore ilaa iyo bishii January xilligaasi oo uu tegay iyaga oo is qaba isla markaana uu si toos ah u jaray.

Oksana Vovodina ayaa sidoo kale sheegtay in boqorku uu diiday in wiilkooda oo magaciisa la yidhaahdo Lyon waxa aanay ka cosdatay Boqorka in aanu dulmi ka galin wiilkooda yar ee uu ka war hayo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply