SOMCABLE

Boosaaso: Qarax Dhulka Lagu Aasay Oo Lala Beegsada Ciidanka Amniga & Khasaaraha Ka Dhashay

Boosaaso, 11 Apr, 2019 (Himilo)-Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay badhtamaha magaalada ganacsi ee Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidammada.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso, waxaana lagu beegsadey gaadiid ay wateen ciidanka amniga, gaar ahaanna ciidammada howlgallada joogtada ah ka fuliya Boosaaso.

Khasaaraha qaraxani uu geystay ayaa ah Dhaawac soo gaadhay askarta waxaana haatan lagu daawaynayaa Cusbitaalka guud ee Boosaaso, saddex ka mid ah askartaana ayaa la sheegay inuu dhaawac culusi uu ka soo gaadhay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay ilaa hadda mas’uuliyada qaraxa oo ku soo aadday xilli muddooyinkii dambe ciidanka amniga ay ka wadeen magaalada Boosaaso howlgallo amniga lagu sugayo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply