SOMCABLE

Booliiska Oo Dib U Eegis Ku Samaynaya Khibradda Dirawallada Gaadiidka Qaada Ardayda, Ka Dib 13 Jir Ku Geeriyooday Shil Baskii Siday Galay

Hargeysa, 28 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in hubin lagu samaynayo Wadayaasha Gaadiidka qaada Ardayda Dugsiyada Waxbarashada, ka dib Arday da’diisu ahayd 13 Jir uu Geeriyooday, markii gaadhigii ka soo qaaday Iskuulkiisa ay is-jiidheen Gaadhi kale.

Taliyaha Ciidammada Booliiska, Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Taliska guud ee Ciidammada Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shilka uu ku geeriyooday Ardayga yar uu ka dhacay jidka dhex mara Xaafadda State House-ka.

Taliye Fadal oo faahfaahinaya siduu u dhacay Shilka uu Ardaygu ku dhintay ayaa yidhi  “Shalay (Doraad) oo bishu ahayd 26-ka bisha labaad, 2019-ka, Abbaaro 3:30 galabnimo waxa Shil baabuur oo sababay dhimasho Hal Qof oo Arday ah wuxuu ka dhacay Laamiga dhex marta Xaafadda State House-ka (Hargeisa), ka dib markay isku dhaceen laba Baabuur oo kala ahaa Baabuur Bas caasi ah (Mini Bus), kaasi oo siday Arday ka soo rawaxday iskuulka Magaciisu yahay Young Muslim (Accademy), waxay isku dhaceen Gaadhi UD ah oo Iska-rogo ah, waxa shilkaa ku Geeriyooday Marxuum Maxamed Farxaan Maxamed oo 13 jir ahaa, kaasi oo mid ahaa Ardaydii Iskuulka ka timid.”

Taliyaha Boolisku wuxuu sheegay si khataraha noocaas ah looga hor-tago ay dib u eegid ku samaynayaan Xirfadda Dirawallada Gaadiidka qaada Ardayda “Ciidammada Booliska oo kaashanaya Hay’adaha ku shaqada leh waxay dib baadhis ay ku samayn doonaan Dirawalliinta Gaadiidka Ardayda Iskuullada qaada, waxaana lagu samaynayaa hub xirfaddooda Aqooneed ee wadista Gaadiidka, dib u eegis buuxda ayaana lagu samayn doonaa Masuuliyaddooda, waxa kale oo hubin lagu samayn doonaa Xaaladda Gaadiidka Ardayda lagu qaado..”ayuu yidhi.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply