SOMCABLE

Bannaabaxyo Dadka U Dhashay Sudan Kaga Cabbanayeen Nolosha Qaalliga Ah Oo Sababtay Xilka Ka Qaadis Masuul !

Shacabka reer Sudan ayaa waxay aad uga cabbanayaan maceeshada iyo qiimaha nolosha
ee maalin ba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya.
Bannaabaxyadaasi ayaa waxay ku kalifeen Madaxweynaha Dalkaasi ee Cumar Al-bashir
inuu xilka ka xayuubiyo taliyaha Sirdoonka dalkaasi oo uu ku bedalo taliye cusub oo hore u
soo noqday taliyaha sirdoonka, balse uu Cumar Al-bashiir xilka ka qaaday Sanadkii 2009kii.
Taliyaha Sirdoonka Sudan ee xilka laga xayuubiyay ayaa magaciisa la yidhaahdaa
Maxamed Cadaa, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taliye Saalax Cabdalla oo xilkaasi
laga qaaday sanadkii 2009kii.
Dadka U dhashay Dalka Sudan ayaa waxay xukuumada ka codsanayaan inay qiimaha
maceeshada hoos u dhigto waana sababta dhalisay bannaanbaxyadaasi.

Leave a Reply