SOMCABLE

Axmed-Madoobe Oo Lagu Caleemo Saaray Kismaayo & Nuxurka Khudbadihii Madaxdii Soomaaliya

Kismaayo, 13 Oct, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliya ee Jubbaland ayaa shalay si rasmi ah loo caleemo saaray kadib muddooyinkii u danbeeyey oo ay si adag uga soo horjeeday Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo.

Haddaba, Madaxdii ka qeyb gashay xafladii Caleema-saarka Madaxwaynaha Jubbaland ayaa halkaasi ka soo jeediyey khudbado kala duwan, iyadoo ay Xafladdan ka soo qeyb galeen wufuud kale oo ka timid dalalka deriska ah.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo waliba Maamul Gobolleedada Galmudug iyo Koonfur galbeed Shariif Xasan Sh Aadan iyo Cabdikariin Guuleed ayaa iyaguna goobtaasi ku sugnaa.

Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe waxa si weyn uga hadlay Madaxdaasi oo ay ka mid ahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaliya Xasan sh Maxamuud iyo Shariif sh Axmed, iyadoo ay Labadaasi masuul ka sinnaayeen cambaareynta ay u jeedinayeen dowladda fedaraalka ee hadda jirta.

Madaxweynihii hore ee dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa isagu waxa uu sheegay in aanu la dhacsaneyn qaabka ay dowladda dhexe wax u wado xilligan, isla markaana uu dalka ka jiro jahwareer siyaasadeed loona baahan yahay in dowladda fedaraalka ay qorshaheeda cadeyso, waxaanu yidhi, “Jahwareer siyaasadeed ayaa abuurmay, berrito lama yaqaano waxa dhaca, jahwareerka siyaasadeed cawaaqib xumo ayuu leeyahay”. Madaxweynihii hore waxa kale oo uu ugu baaqay in dadka ay u sheegto halka uu dalku u socdo, “Dadka meesha loo socdo ha loo sheego kii ra’yi ka qabo ra’yi ha ku darsado kii kale ha ku qanco oo inta uu gacanta taagto ha u sacbiyo”. Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd Sh Shariif Sh Axmed ayaa isna dhaliil u soo jeediyEy dawladda Farmaajo, “Annagu waan ka soo quusanay dowladda dhexe, quus ayaan ka nahay waan ka nimid rejo xitaa noogama jirto, Ummadda Soomaaliyeed waxay maanta baahi badan u qabtaa midnimo,waxay baahi badan u qabaan in wixii ay qorteen ay dhaqangalaan”.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdillaahi Dani, ayaa isaguna waxa uu ugu baaqay dowladda dhexe in looga baahan yahay inay tanaasul sameyso, “Waxaad ogtihiin marka uu khilaaf dhaco mar walba ninka weyn inuu tanaasulo ayaa sharafta ku jirtaa, waxaan ka rejeynayaa dowladda fedaraalka ah in haddii ba khilaaf jiray inay tanaasulaad ka muujiso khilaafkii hore u jiray, waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka xuso wasiir Cabdi Rashiid oo ahaa wasiirada muddada dheer ka soo shaqeynayay hirgalinta Jubbaland, waxaan ka rejeynayaa dowladda federaalka ah inay arrintaa xal ka gaadho xorriyadiisana dib ugu soo celiso”. Ayuu yidhi Dani.

Madaxweynaha la caleema saarayey ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa dhankiisa ku dheeraaday khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda fedraalka, “Waxa masuuliyadda iska leh dowladda dhex, wax kasta oo xal iyo wanaag ah in ay keento, waxaan diyaar u nahay oo u aqoonsanahay inay waalid noo yihiin iyo inaan dowladnimo u aqoonsanahay, iyo Inaan caaq noqono iyagaa sababi kara, labada ilmood ee aad dhashay haddii sidan iyo sidan kala tidhaahdo adigaa wax walba isaga dhiga kara”. Ayuu yidhi Axmed Madoobe

Xafladda Caleema saarka ee Madaxweynaha Jubaland ayaa qabsoontay iyada oo wali uu jiro khilaafka dawladda dhexe iyo Maamulka Jubbaland.

Dawladda fedaraalka ayaa dib u doorashadii Axmed Madoobe ku tilmaamtay sharci darro isla markana sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply