Author Archives: A.A.Carab Carab

Somaliland: Xukuumadda Iyo Xisbiyada Oo Isfahan Ka Gaadhay Doorashadii Dib U Dhacday

Hargeysa (Himilo) – Kulan Caawa Qasriga Madaxtooyada ay ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, Hoggaanka Xisbiyada Qaranka, Madaxweyne ku-xigeennadii hore iyo Ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa waxa lagaga wada-hadlay dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada. War-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu soo saaray markii kulankaasi dhamaaday ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ...

Read More »

Somaliland: Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Oo Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey + VIDEO

Hargeysa (Himilo) –  Masuuliyiin tiradoodu dhan tahay 15-xubnood (Shan iyo toban) oo xilal ka haya hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Masuuliyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan Iimaan, guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, xubno katirsan guddiyada Maamul-wanaagga, Dhawrista Tayada ...

Read More »

Soomaaliya: Wasiir Diiddan Xadhigga Mukhtaar Rooboow Oo Iska Casilay Xukuumadda

Muqdisho (Himilo) – Wasiirkii howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Xukuumadda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sababta uu isaga casilay xilkii ka hayay Xukuumadda tahay kaddib markii uu sida uu hadalka u dhigay uu u dulqaadan waayay fara-galinta ay Dawladda dhexe ee Soomaaliya ku hayso doorashada ...

Read More »

Duur Oo Sheegay In Dadweynuhu Walaac Ka Qabo Amni-darro Ka Dhalata Xanaftii Doorashada

Hargeysa (Himilo) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xilligan ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in Dadweynaha reer Somaliland werwer ka qabaan Nabadgalyo darro ka dhalata Xanaftii ka dhalatay Doorashadii Madaxtooyada ee Sannadkii hore ka dhacday Somaliland. Duur oo Maanta ka hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in loo baahan yahay ...

Read More »

Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Hab-dhaqanka FARMAAJO Uu Khatar Ku Yahay Soomaali Oo Dhan

Hargeysa (Himilo) – Guddoomyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyey xadhigga siyaasiga Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ee Dalka Soomaaliya, ,isla-markaana cambaareeyey hab-dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ciidanka AMISOM . Sidoo kale, waxa uu Faysal tacsi u direy dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ee Soomaaliya, waxaanu arrintaasi ku eedeeyey Madaxweynaha ...

Read More »

Wasaaradda Beeraha Oo Bilowday Tumista Iyo Jawaanno Ku Cabbaynta Hadhuudhkii Ka Soo Go’ay Banka Wajaale + VIDEO

Wajaale (Himilo) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland oo Bilihii u dambeeyay u dambeeyay ku hawlanayd Madax ka jarista iyo Goynta Hadhuudhkii laga beeray Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa Maanta bilowday Tumista Hadhuudhkaasi iyo Cabbayntiisa ama Jawaanno ku Guristiisa. Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo illaa Bishii October ee sannadkan 2018-ka bilowday Madax ka jarista Hadhuudhka iyo Goynta Caleentiisa, ayaa Maanta ...

Read More »

“Xukuumadda Waxaanu Leenahay Wax Badan Baa Innagu Xeeran Ee Taladana Badsada”…….. Sheekh Aadan-Siiro + Akhriso/Daawo

Hargeysa (Himilo) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey Akhlaaqda Wanaagsan iyo Wada-tashiga. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay labada Sifo ee kala ah ‘Akhlaaqda wanaagsan iyo Wada-tashiga’ kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwii uu ku guulaystay Rasuulkeena Muxamed (CSW), Hoggaamiye kasta oo Muslim ah oo labadaa Sifo yeeshaana ...

Read More »

Farmaajo Oo Muqdisho Ku Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Dal Uu Khilaaf Ka Dhexeeyo Jabuuti

Muqdisho (Himilo) – Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki iyo Wegay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Isaias Afwerki iyo Weftiga uu hoggaaminayo ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, sidoo kalena Shacab badan ayaa iskugu soo baxay Fagaarayaasha Muqdisho, si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Weftigiisa. Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo ...

Read More »

Soomaaliya: Mukhtaar Rooboow Oo La Xidhay Iyo Rabshado Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Baydhabo

Baydhabo (Himilo) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ee Dalka Soomaaliya, ayaa waxa Maanta ka dhacay Mudaharad Rabshado wata. Mudaharaadka Rabshadaha wata ayaa bilaabmay ka dib, markii sida la sheegay Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Baydhabo ka qabteen isla-markaana Magaalada Muqdisho ku geeyeen diyaarad Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah Musharraxiinta Xilka Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed u ...

Read More »

Hargeysa: Shirkadda Laydhka Ee INDHO-BIRTA Oo Eedaymo U Jeedisay Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta

Hargeysa (Himilo) – Shirkadda Laydhka ee Indho-birta oo ka mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee Laydhka Siiya Dadweynaha Caasimadda Hargeysa, ayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ku eedeeyay inuu ku hayo Tacaddi iyo Awood sheegasho. War-saxaafadeed Maanta Shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay in Wasiirka Macdanta iyo Tamartu uu uga xaglinayo Shirkad uu Maamul ka ahaa ka hor intii aan loo ...

Read More »