WARAR

LUBNAAN: Dilalka Dhallinyaradu Waalidkood Kula Kacaan  Oo Korodhay Iyo Wiil Aabihii Mindi Ku Dilay !

4 (1)

Da’yarta qaarkood ayaa waxay ku kacaan falal aad u fool xun oo cawaaqibka ka dhallanayaa noqonayo kuwa aan waligood ka daba hadhin qofka ku kaca amase geysta. Dalka Lubnaan ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad u fool xun oo gilgishay qulluubta dadka damiirka leh ee dalkaasi ku dhaqan, dhacdadan ayaa waxay tahay in wiil da’yar ah oo u dhashay dalkaasi ...

Read More »

Yaab : Haweenay Hindiyad ah  Oo Nin Isku Eekaysiisay Si Ay U Hesho Lacagta Meherka Ee Haweenka Dalkaasi Siiyaan Ragga Guursanaya !

194711Image2

Haweenay u dhalatay Dalka Hindiya ayaa waxay ku kacday arrin aad u layaab badan haweenaydan ayaa waxay iska dhigtay Nin waxaanay guursatay laba dumara oo u dhashay Dalkaasi. Sababta ku kaliftay in haweenaydaasi iska dhigto ninka ayaa waxay ahayd inay ku hesho lacagta meherka ee haweenka u dhashay dalkaasi siiyaan ragga guursanaya. Gabadhan oo haatan da’deedu tahay 25 jir ayaa ...

Read More »

DAAWO: Ciidammada Dab-damiska Oo Ka Hadlay Askari Noqday Qareen Oo Ay Xidheen

Capture

Hargeysa (Himilo) – Taliska Ciidammada Dab-damiska Somaliland, ayaa ka hadlay sababta loo xidhay qareen ka mid ah ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA, kaasi oo horena uga mid ahaa Ciidammada dab-damiska. Taliyaha Ciidammada Dab-damiska iyo Agaasimaha Ciidammadaasi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiikooda Hargeysa, ayaa eedaymo u jeediyey ururka Qareennada, waxayna faahfaahin ka bixiyeen Sababta loo xidhay Askariga Qareenka isku rogay. ...

Read More »

“Cidda La Doonayo Inay Danteeda Si Wanaagsan Ugu Iibin Karto Wada-hadallada Soomaaliya Waa Somaliland…”

Warka KOOWAAD

“Jabuuti Waa Dalka Dawladaha Geeska Afrika Ugu Faro Dhuuban Ee Arrintan Fahmi Karta, Soomaaliyana Fahmi Karta Oo Door Ka Ciyaartay…” Ismaaciil Hurre Buubaa Hargeysa, 18 Feebarweri, 2018 (Himilo)-Siyaasi Ismaacii Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si qotto dheer uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, doorka dhexdhexaadinta ee dalka Jabuuti, ...

Read More »

66 Ruux Oo Ku Dhintay Diyaarad IRAN Lahayd Oo Burburtay Maanta

_100076909_a32cd14a-ce1b-42a8-95e4-492bc8755284

Tehran (Himilo) – Lixdan iyo Lix qof ayaa dhintay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku burburtay dalka iiraan. Diyaarad ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla badhtamaha dalka Iiraan. Warbaahinta gudaha dalka Iiraan ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom ee gobolka Isfahan. Diyaaradda ayaa iskaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana ...

Read More »

Dareenka Xukuumadda Iyo Mucaaridka Somaliland Ee Xaaladda Dalka Itoobiya

Warka Itoobiya

Addis Ababa, 18 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Waxa Jimicii Toddobaadkan is-casilay Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo Xilkaasi hayey illaa Sannadkii 2012-kii. Raysal-wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa Xisbiga EPRDF iyo Baarlamaanka Dalkaasi u gudbiyey Warqad uu ku caddaynayo inuu iska Casilay Raysal-wasaarenimadii Dalka Itoobiya iyo weliba Guddoomiye-nimadii Xisbiga EPRDF. Hailemariam Desalegn oo Raysal-wasaare-nimada Dalka Itoobiya loo doortay markii uu Geeriyooday Raysal-wasaarihii ...

Read More »

Urur Gaar Loo Leeyahay Oo Madaxweynaha Ka Ashkateeyay Wasiir Xukuumadda Ka Mid Ah Oo Doonaya Inuu Xilka Ka Qaado Guddoomiyahooda

Warka Labaad

Berbera, 18 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Ururka Gaadiidka waaweyn ee Towfiiq oo fadhigoodu yahay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa cabasho xoogle ka muujiyey faro-gelin ay sheegeen inuu ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor. Ururka Gaadiidka waaweyn ee Towqiif oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Berbera, ayaa sheegay in Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta ...

Read More »

Booliiska Oo Sharciga Hor-geynaya Muwaadin Ku Hanjabay Tallaabo Lid Ku Ah Midnimada Somaliland

Warka Ninka La xidhay

Hargeysa, 18 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa ka hadlay Sababta loo xidhay Nin Magaciisu yahay Saleebaan Ibraahim Maxamuud, kaasi oo toddobaadkii hore Magaalada Burco ka sheegay hadal Booliisku ku sheegay Dambi. Saleebaan Ibraahim Maxamuud ayaa Shir-jaraa’id oo uu Burco ku qabtay ku sheegay inuu Gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo kaga dhawaaqi doono waxa ...

Read More »

Xukuumadda Oo Laga Codsaday Inay Siidayso Dad Boolisku Sababo Kala Gedisan U Xidheen 20-kii Maalmood Ee U Dambeeyay

Warka Dadka la xidhay

Hargeysa, 18 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Xarunta Xuquuqal iinsaanka ee Magaceeda loo soo gaabiyo HRC oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadashay Xadhigga Dad toban ku dhow oo Sababo kala gedisan Ciidammada Booliiska Somaliland u xidheen. Dadka Ciidammada Booliisku xidheen ayaa waxa u dambeeyay Agaasimaha Telefiishanka Universal ee Somaliland Maxamed Caabbi oo  Shalay Boolisku xidhay iyo weliba Qareen la ...

Read More »

Somaliland: Wefti Ka Socda IGAD Oo Dalka U Yimid Inay Gorgortan Geliyaan Degmada TUKE-RAQ Ee Ciidammada Qaranku Ka Saareen Puntland & Jawaabta Uu Madaxweyne BIIXI Siiyey

Warka Muuse iyo IGAD

Hargeysa (Himilo) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Urur-gobolleedka IGAD, kaasi oo Safar ku yimid Hargeysa Shalay. Weftiga IGAD oo Madaxweynaha kala hadlay Ciidammada Somaliland ee dhawaan Tuke-raq ka saaray Maleeshiyaadka Puntland, ayaa u sheegay in aanay Somaliland duulaan ku ahayn Dal kale, haddii Cid ku jirto Dal kalena ay Soomaaliya illaa ...

Read More »