SOMCABLE

Arooska Lammaanaha Ugu Da’da Yar Dalka Masar Oo Ka Dhacay Magaalada Sinbillawain !

Magaalada Sinbillawain ee dalkaasi Masar ayaa waxa looga dabaal dagay arooska lammaanaha ugu da’da yar ee dalkaasi oo meherkoodii ka soo wareegtay muddo dhan lix sanadood.

Lix sano ka hor markii lammaanahan la isku meheriyey ayaa waxa ka dhashay muran aad u fara badan kaasi oo ay sabab u aheyd da’da lammaanahaasi oo ay ahayd mid aad u yar waxaanay xilligaasi Carruuska oo magaciisa la yidhaahdo Sham’s ay da’diisu aheyd 13 jir halka Carruusada oo magaceeda la yidhaahdo Iman ay da’deedu aheyd 9 jir.

Sidaana waxa lagu baahiyey Wargeyska Al-yoom Al-Saabic ee ka soo baxa dalkaasi Masar oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, kaasi oo lagu sheegay in waalidiinta lammaanahaasi ay go’aansadeen in arooska labada carruuri ahi uu dhaco Marka carruusku dhameysto waxbarashada dugsiga sare, sidoo kalena carruusaduna ay dhameysato waxbarashadeeda Dugsiga hoose dhexe, mid ka mid ah ehelka Carruuska ayaa sheegay in Aabayaasha dhalay labadan lammaane ay yihiin saaxiibo isla markaana ay shaqa waddaag yihiin.

Arooska lammaanahan ugu da’da yar Lammaanayaasha dalkaasi Masar ayaa waxa sabab u ahaa labada Waalid ee dhalay waxa aanay ku go’aansadeen inay isku dhisaan labadooda carruur ah si saaxiibtinimadooda u sii qota dheeraato oo ay noqdaan dad isku duuban.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply