SOMCABLE

Ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe Oo Loo Qaybiyey Buugaagta Manhajka Oo Billaash Ah & Furitaanka Kulliyada Tababbarka Macalimiinta + Dhagax Dhiga Saldhig Casri Ah + Kormeerka Saylada Xoolaha

Hargeysa, (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay qaybinta Buugaagta daabacan ee manjahka Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe oo billaash ah oo la siinayo ardayda dugsiyada dalka wax ku barata, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu furay kulliyada tababbarka Macalimiinta oo laga dhismaheeda laga hirgaliyey waqooyiga Hargeysa, halka uu dhagax dhigay dhismaha saldhig Boolis oo casri ah oo laga yagleelayo agagaarkaasi, kadibna waxa uu soo kormeeray Saylada Xoolaha Nool ee Caasimada.

Ugu horreyna, Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa shalay qaybinta Buugaagta daabacan ee Manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose  dhexe ee dalka oo tiradoodu dhan tahay 1,000,200 (Hal Milyan iyo Laba boqol), isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan arday tiradoodu dhan tahay 153,077 (Boqol iyo Saddex iyo konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) Arday,  waxaanu ka bilaabay dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe.

Madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo dhammaantood ku sugnaa gudaha dugsiga Qudhac-dheer, ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay buugaagtan lacag la’aanta ahi usoo kordhin doonto dhammaan ba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose dhexe ee dalka, waxaanay madaxweynaha uga mahadnaqeen go’aanka geesinimada leh ee uu ugu dhiirraday inay ardaydu hesho buugaag daabacan oo lacag la’aan ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer iyo macallimiintooda, ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ku dedaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dhexda u xidhaan sidii ugu diyaar garoobi lahaayeen hoggaaminta dalkooda.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay siday xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay uga go’an tahay inay daryeesho da’yarta wax baranaysa ee mustaqbalkooda la dhisayo, maadaama ay aayihii dambe uu dalka yihiin, “Mar haddii aad mustaqbalka leedihiin xaq waxaad u leedihiin in la idin siiyo tacliin wanaagsan iyo nolol wanaagsan, waajib bayna ku tahay waalidka, dawladda iyo tujaarta ba inay idinka idin daryeelaan, waayo mustaqbalka dalku waa dadka. Daar la dhiso iyo laamiyada iyo qurux la beero waxa ugu weyn ee la maalgelinayaa waa mustaqbalka iyo da’yarta iyo dadka, waxaana aannu doonaynaa in da’diinani aad ka duwanaataan da’da maanta nool dhinac walba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Buugaagta daabacan ee qaybintooda la ibo-furay, ayaa si lacag la’aan ah loogu qaybin doonaa dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka, kuwaasoo uga faa’iidaysan doona waxbarashadooda, waxaanay ka mid tahay ballanqaadyadii madaxweynaha ee wakhtigii ololaha.

Dhinaca kalena, Xaflad ballaadhan oo uu madaxweynuhu xadhigga kaga jaray kulliyadda cusub ee tabobarka macallimiinta, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, saraakiil ka socda midowga Yurub, ku dhawaad Afar boqol oo macallin oo kulliyada wax ka baran doona iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya qiimaha ay leedahay in lagu tabco barayaal tabobbar sare qaba oo soo saari kara da’yar cilmi  ku hubaysan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qaranku u baahan yahay inuu yeesho kulliyad lagu tabobbaro barayaasha da’yarta soo socota, wax barta, taasina ay kor u qaadayso tayada waxbarashada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo siday xukuumadda uu hoggaamiyo uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda iyo heerka waxbarasho ee barayaasha gacanta ku haya da’yarta dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu  sheegay inaan marnaba lagu horumari Karin ku tiirsanaanta caawinta shisheeyaha, tayada tacliintuna ay ku haggaagi karta isku-duubnida iyo wada-jirka bulshada, waxaanu yidhi, “Waxaan qabaa waxbarashadu kuma timaaddo dawaro iyo inay ciddi iskuulladaada kuu dhisto iyo inay ciddi kaa taageerto ardaydaada wax bariddeeda, Qaran walibana wuu karaa inuu dadkiisa wax baro oo uu tacliintiisa haggaajiyo marka uu u midoobo horumarkiisa oo uu hantidiisa u huro.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu isla maanta dhagax dhigay saldhig cusub oo casri ah oo laga hirgelin doono deegaanka Xeedho oo lagu magacaabo Aadan Shiine.

Taliyaha ciidanka Booliska Sarreeye gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo xubno ka mid ah Injinneerrada ciidanka Booliska ee dhismaha saldhiggan gacanta ku haya oo halkaas ka hadlay, waxaanay tilmaameen inuu saldhiggaasi noqon doono mid casri ah oo ka duwan saldhigyadii hore loo dhisi jirey, islamarkaana goobta laga dhisayaa tahay goob baahi weyn looga qabay.

Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdicasiis Maxamed Cago-weyne oo isaguna madasha dhagax-dhigga ka hadlay, waxaanu sheegay inay dawlad hoose ahaan qorshahooda ku darsadeen sidii ay degmooyinka kala duwan ee caasimaddu  leedahay, si loo xoojiyo amniga bulshada ku dhaqan caasimadda.

Ugu dambayntiina, Madaxweyne Biixi, ayaa hoggaanka ciidanka Booliska ku bogaadiyey ballaadhinta xarumaha ammaanka ee caasimadda, maadaama oo ay tirada shacabka caasimaddu sii badanayso.

Intaasi kadibna, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeer shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.

Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkaasi ku jirey uu soo indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani.

Xubno ka mid ah guddida ugu maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas lagu kala iibsado oo u baahan daryeel joogto ah oo xagga cawska iyo biyaha ah.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ugu baaqay inay ka hawlgalaan sidii ay u dhameystiri lahaayeen wax kasta oo ay u baahan yihiin dadka iyo xoolaha ku sugan sayladdu, sida Biyaha, cuntada iyo hadhka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply