SOMCABLE

Aniga Iyo 18-ka Meey – W/Q: Maxamed-Badda

“Qaranimada Somaliland Qooq Kumaan Helin”

Cinwaanka qormadan waxaan ka soo amaahday tuduc ku jirtay gabay aan jecelahay oo abwaan Siciid Raan tiriyay, Waana runtii oo ciyaar iyo dheel dheel toona kumaynaan helin in aynu xusno maanta sannad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay haldoorkeenii iyo waxgaradkeeniiba garteen in aynu midowgii soomaliyeed ee lagu khasaaray dib uga soo noqono oo 18ka may 1991 gooni dib iskugu taagno. Anigana qiimo aan la qiyaasi karin oo aad iyo aad u qaaliya ayay igu joogtaa oo maanta waxaan jecelaystay in aan idinla wadaago sababta ay aniga iigu weyntahay maalintani 18ka may.

Afar qodob oo kaliyana aan ku soo koobo ee kow dheh:-

Waa ta koowaade, anigu waxaan ka mid ahaa dhalintii dhalatay badhtamihii ama dabayaaqadii 60-maadkii ee waxbarashada aasaasiga bilaabay sannad dugsiyeedkii 1972/73 (oo aniga Biyo dhacay Hargaysa ayaa la iga qoray kii hoose June secondry-na waan ku khatimay) dhamaystayna sanad dugsiyeedkii 1983/84.

Nasiib darro se midowgii aabayaasheen somali la galeen wuxuu durbaba hortayda ku dilay Barre Xaaji Cilmi oo Mustafe Guun buu hortayda ku dilay oo Jundi buu hortayda ku dilay oo Fagadho ayuu hortayda ku dilay oo Beyle ayuu ku dilay oo Cumar daacad buu hortayda ku dilay, oo boqolaal kale oo xaashidu buuxsamayso hadaan is idhaa magacyadooda qor ayuu hortayda ku dilay.Maaha magacyo aan maqlay ee waa saaxiibadii aanu ilaa mulcaamadii wada dhigan jiray ee wada qosli jirnay oo wada ciyaari jirnay caruurnimadii ee isla kornay, waa walaaladay. Hadana Yusuf M Ciise(Yuunyo),Cabdiraxiim M Baaruud(Bidhiidh), Abdi Ismail, Axmed Kennady,Cabdirisaaq Alfo,Cabdi Dhamac(waabay toogteen issaga AHUN) iyo Maxamed Baashe ayaa hortayda dil ugu xukumeen. In kale oo badana oo Daldal, Cambuul, Faraskii cadaa, Cali gaab, Fu’aad, Saleebaan, Axmed iyo Xasan oo walaalo aha, Cali Jiir , Cali Yusuf iyo Cabdirizaaqba ka mid ahayeen ayuu xabsi dheer ku xukumay.Waa asxaabtaydii dugsigii sare.Hadda ku darso oo intaa laygu hor dilay iyo intaa dilka lagu xukumay iyo inta xabsiga dheer ahaydba midkoodna 18 jir muu gaadhine.

Aniga iyo kumanaan kalena ha badnaanto ama ha yaraatee waanu soo dhadhaminay xadhigii jeelka ee xanuunka badnaa. Dhamaantoodna dadkan aan magac dhabay een tirinayaa may ahayn masuul iyo dad waaweyn toona ee waa caruurtii iyo dhalintii sidaan horeba u idhi soo wada kornay ee kubbada iyo luufka wada ciyaari jirnay.In badan oo maanta inaga hoosaysa oo systemkaasi dilayna aan u ducayno in Alle u naxariisto.

Isku soo wada duuboo 12 kaa sanno ee aanu caruurta dugsiga dhigata ahayna wuxuu systemkii baasaa ee midowgaasi ka dhigay asxaabtaydii qaar intoodii badnayd ay dhib shakhsiyan ahi soo gaadhay oo wax yari u fayoow tahay oo ama wuu dilay ama wuu xidhay ama baxsasho iyo talow buu ku qasbay oo hadana waalidkood , hooyadood oo qof weyn ah la xidhay sidiii Maxamed Cabdillahi Cumar oo kale iyo asxaab badan oo kaleba, amaba waa la waayayba jaan iyo cidhib meel ay dhigeen.

Anigana waxa aan marnaba maskaxdayda ka bixin maalin ayaamihii dhagaxtuurka ka mid ahayd oo aniga iyo caruur kale oo badanba laga soo qabtay goljano ayaa waxa nalugu soo ururiyay xabsigii dhexe ee iminkaba ka soo horjeeda daarta Dahabshiil. Intuu xabsigii buuxsamay ayaa deyrka hore ee banaanka nalagu ururiyay. Goor galabtii ah ayaa waxa yimid nin sarkaal sare ah oo kornayl ahaa oo baabuur Landcruiser ah watay iyo ilaalo.Wuxu u eekaa nin mudakar ah oo masuul ah, markaasaa, caruurnimo( 15 jir baan ahaa) ama caqli xumaba ha ii gaysee waxaan is idhi af isku furfur oo intaan u kacay baan ku idhi” Adeer, dee waxba maanaan samayn ee waa la iska kaaya soo xidhay uune nagala hadal qoladan”(runa wey ahayd dee)..Bal maxaa igu watay, Axeey ax.. nin xoog ah oo laf weyn buu ahaa oo walaahi dhirbaaxadii uu igu dhuftay intaan laba mitir dib u duulay baan qadaadka dhulka ku dhuftay oo show miyir beelay oo malaha nusasaace miyir la’aa.

Imisaanu ku lahayn iska daa iyagoo asxaabtii i leh ayaan ku soo baraarugay.. Alla nimanku xumaayeenee oo axmaqsanaayeen. Dhirbaaxadu ima dhibto oo qayrkay waaba la dilay balse masuulkaa iyo ficiltanka xun ee ku jiray baa wali iga daadagi la’.. Maxaanse kaga daali ninka ilmo yar intuu tiirka geeyo toogan jiray …Aheey ah. Yeelkeede macal PTSD (Posttraumatic stress disorder) waanu iskala koray oo ka soo doognay.

Waa ta labaade, waalidkay iyo dadkii xurmada inagu lahaa ee shalay midowgan u galay si ay sharafta isirka somaliyeed sare ugu qaadaan oo la laayay, la bahdilay, la xidhay, amaba la isku dayay in la xasuuqo. Aan idinla wadaago laba dhacdo oon u soo joogay hargeisa , waa mide maalin bay aabahay Alle naxariistii janno ha ka waraabiyee oo beer aanu ku lahayn hargeisa duleedkeeda ku socda ay askartii qabatay oo damceen inay baadhaan, wuu diiday inay bahdilaan oo baadhaan iyaguna si xun oo axmaqnimo ah ayay u dileen oo dhaawacyo u gaadhsiin, halkiina ugaga tageen, aroortii baan isagoo sariirtii jiifa oo dhaawacyadii la baxnaaninayo u galay oo caruurnimo iyo jacaylka aabahay uun baa iga hadlisee ku idhi” Aabo maad saacadan iyo lacagtan yar ee ay rabeen iska siisid” intuu jiifkii ka soo kacay buu igu yidhi” Iga dul dhaqaaq nacasyahow xumi, sideed ugu noolaal lahayn nolashaada ”Aabihii baa berri baad laga qaaday”.. Intaan naxay oo garowsaday kelmadii aabahay baan xanuunkiisii jeclaystay.Xanuunkii iyo ciilkii aan dareemanayayna waxaan ku liqay kelmadii aabahay ee dhiirigalinta iyo dagaalanta ahayd.

Qaar badan oo kalese intaana aabayaashood lamay gaadhin oo hortooda ayaaba lagu toogtay.

Dhacdada kalena waxay ahayd maalin aan u raacay niman aanu ilamaader ahayn oo dhalinyaradii naga waaweynayd ahayd hotel guuleed oo markaa cusbaa si aanu uga soo qadayno. Waxa miiska nagu xigay fadhiyay niman saraakiil ah oo dhalinyaro ah oo labisan oo garbuhu cas yihiin, oo show qado dalbaday hortayo, markuu qadadii uu u keenay mudalabkii ayaa mid ka mid ah saraakiishii intuu laad qaaday inanakii iyo cuntadadiiba ciida afka u daray oo ku yidhi xun yahow xunku dhalay maxaad ula soo raagtay .. mulkiilihii oo qayladii iyo jaqaaqdii innaka maqlay baa u yimid misna hortayadii bay isku tageen oo baastooladahii la soo baxeen iskuna jabiyeen odaygii sharafta iyo qadarinta lahaa ee haybadiisa lagu diirsan jiray oo ay dhulka jiideen, qaateena. Maalintaasina walee sinaba maskaxdayda uga bixi weyday oo wali xasuustayda waan gubtay oon is hiifay oo waxba qaban kari waayay oo hoosta ka ooyay ilaa maantana oon kontankii sare u dhaafay wey i xanuujisaa xasuusteedu..

Waa ta saddexaade, waa cagu juglayntii, dhibtii iyo rafaadkii aan Xamar kala kulmay ardaynimadii. Dhib iyo rafaad aanad qiyaasi karin baanu kala kulanay.

Xamar arday nimadii..Anigu Medicina ayaan dhigan jiray, waxaaanu isku qol ahayn Dr Idiris, Dr Rashiid Iyo Dr Ducaale qolkaanu medicina ka deganayn sibidh daaye xataa daaqado muu lahayn oo geedo ayaa ka dhex baxay, dhismaha nagu xigana waxaa deganaa Idaajaa walaalkii oo qasri buu ahaa, macal madbakh u gaara ayuu lahaa.. Aniga iyo qayrkayna sagaal bilood baanu baastadii jowhar (ha moodin baasto caadiya, waxay ahayd bahal urtay) maalin kasta qado nalooga dhigi jiray…Ilaa maanta ayaan necebahay urta baastada.Intaana waxa noo dheeraa tacadiga lagu hayay ardayda reer waqooyiga ah oo aad iyo aad u badnaa.

Galab aniga iyo Xasan Madoobe( Ganacsiga) iyo Cabdi Jabo(Lafoole) oo intaanu casariyihii ka soo cabnay KM 4 oo kaabadii Polytechnics-ka iska fadhina ayaa Siyaad oo airport ka xamar ku socdaa wadada soo maray… Anagoo iskaba ilaabnay ayuun baa 5 nin oo qoryo sita oo dhar cad ahi ( aan direys gashaynayn) na yidhaahdeen soo baxa waad xidhan tihiine. Halkii Nss ta ee isgoyska nr afar ayaa lanagu xidhay, midkaayaba qol yar oo cidhiidhiya, anigoo yaaban oo aad u naxsan baa saqdii dhexe la i soo kaxeeyay oo qol la iigu geeyay nin sarkaal ahaa..Wuxu ii sheegay in aan ku xidhanahay isku day dil madaxweyne..waan yaabay ..kun jeer baan dhaartay, waan kacaa fadhiistay..qof kalaad igu qaldaysaan ..medicinaan dhigtaa, innan fiican baan ahay…kolba askartii i soo kaxaysaa baa feedh ama dhirbaaxo ama qoriga caaradiisa dib iigu fadhiisisa… Adigu sheeko dheer bay ahayde.. goor dambe oo habeenka nuskii dambe ah ayaa sedexyadiiba meel la iskugu keenay oo sarkaal qiyaastii wali dadnimo ku hadhsanayd oo reer sool ahaa uu noo sheegay in lana maqlayay markii Siyaad wadada marayay anagoo leh wakaa dhiigyacabkii iyo wax caynkaas ah… maba xasuusto in aanu nidhi iyo in kale.Canaan iyo hanjabaad badan ka dibna aduu waaberigii baa nala soo daayay. Aroortiina jaamacadii baa digniin la i siiyay in layga eryaayo. Saleebaan Gaal( G. guurtida) oo wasaarada joogay berigaa ayaana dib iigu celiyay.

Medicina kumaan raagin oo laba sanno oo dhowdhow uun baan la dhigtay oo scholership baan safaaradii talyaaniga ee Xamar ka helay oo sidaa ku imid Italy.

Balse dilkii walaalkaygii qaaliga ahaa oo gadhwadeen, imaam, hogaan iyo daryeeleba noo ahaa dhamaantayo intayadii ugu tagtay medicina,( wuxu naga horeeyay dhowr sanno) ayaanan ka seexan ilaa maanta habeen qudha, kaligii lama dilin oo wey badnaayeen balse isagu madaxayga kama baxo, jacayl aan jeclaa iyo aqoon badan oon isku yeelanay berigaa ba aawadeed, waa Alle naxariistii janno ha ka waraabshee Dr Yusuf Abdillahi Roble oo ku jiray haldoorkii lagu xasuuqay Jaziira.

Ta afraad ee ugu dambaysaana waa farxadii indheer garadkeenu ay dib ugu yagleeleen qarankan barakaysan ee JSL.Waa nabadayntii iyo halgankii odayadeenu u galeen dhisida iyo yagleelida qaran somaliland la yidhaa.

Iyadana hal tusaale oo aniga qiimo badan igu leh aan idinla wadaago ee waxay ahayd dhacdadii xanuunka weynayd balse qiimaha weyn u lahayd 18 ka May ee guurtidii reer awdal uga soo joogeen Berbera una sadqeeyeen nin oday ahaa oo magac weyn iyo sharafba ku lahaa reer Awdal, Alle naxariistii janno ha ka waraabshee ee berigii 1991 kii iyo nabadayntii ay Berbera guurti reer Awdal ahi oo waxgaradkoodii iyo haldoorkii Samaroonba u dhamaayeen u tageen.

Nasiib darose markay galeenba ku yar oo day-daygii ahaa ayaa xabad ku dhuftay nin guurtidaa ka mid ahaa oo aad u qiimo badnaa.Guurtidii talo ayay is waydiiyeen oo inay dagaalamaan iyo waxay yeeli lahaayeen bay ka tashadeen, waxaanay isla garteen xanuun kastoo lahayd in ninkaa odayga ahaa ee la dilay uu isna aastaan ku noqdo mujaahidkii ugu horeeyay ee u dhinta nabadaynta iyo yagleelida somaliland iyaguna sii wadaan nabadayntii iyo yagleelkii qarankan. Allena wuu ku guuleeyay oo waa kii shirkii Sheekh iyo Burcaba ku xigeen Somalilandna sidaa loogu dhawaaqay 18 May 1991 Burco.

Xanuun kasta oo ay lahayd, sidaa ay talada qiimaha leh u qaateen guurtidii iyo haldoorkii samaroon ayaa markaan xasuustaba i farxad galisa oo 18 Mayna aad iigu suntan tahay.

27 kaa sanno ee haddaba jirtay JSL waxaynu ku guulaysanay, Alle mahadi ha ka gaadhee in aynu dhalinyaro iyo dad soo saarno, kuwaasoo maanta iyagu ilaashanaya, nabada, wadajirka iyo horumarinta Jamhuuriyadan barakaysan ee Somaliland oo taladii seegtay berrigaa waalidkoodna ay maanta wax ku qaataan oo ay waayo -aragnimo u noqoto.

Sababta ay iigu weyntahay haddaba waa xanuunkaas oo ay iga maydhay oo intaasi midna maanta haysay caruurtayda iyo kuwaan adeerka iyo abtiga u ahay toona.

Gunaandkiina dhalinyarooy waxaan idinkaga tagayaa maanta JSL idinkaa leh,waana mustaqbalkiinii ee qaladkasta ama talo seeg kasta oo aniga iyo inta iga weyn aad u tirisaan ha idiin noqoto waayo aragnimo iyo khibrad aydaan dib ugu noqon raadkayagii, wixii wanaag aaanu lahayna sii xoojiya oo hore u sii mariya.Waxa nasiib darro nagu jira rag badan oo wali tooda shakhsiga ah ka hor mariya tii qaranka, cida iyo garbaha kaliya ee ay adeegsadaana waa idinka iyagoo shaadh qabiil ama mid jilib uun idinku isticmaala. Dhalinyarooy diida, oo anigu hadaan idin idhaa yaa tolaay.. diida oo mid kasta diida oo Somaliland waa mustaqal kiiniye ilaashada oo waliba xoog iyo xoog u ilaashada, hiigsigeenii ahaa in aan kursi ku yeelano UN tana raadsha oo ka midho dhaliya.

Mar labaadna aan idinku booriyo tuducyo ku jiray gabaygaygii Hiigsi oo ahaa:

  • Howl iyo jid dheer baa holane, awrta wada heerya
  • Hakis looma baahnee dadyahow hagar baxoo yaaca
  • Horu soco hayaankana wadaay hiigsi waa waliye.

Midna waa iga xasuusine halganii aynu soo galnay reer lama aynaan galine balse system iyo regim uu cid kastaa u shaqayn jirtay baynu la galnay. Waa systemkii soo bilowday 1960 kii ,waana sababta aynu calankan buluuga ah ee sytemkaasi lahaa maanta uga gubano, kaligeena maaha ee aduunyadoo dhan baa inala qabtoo maanta aduunkoo dhan waa xadhig iyo ciqaab ninka calankii system sida ka Nazi gii, kii Tzar ka, kii Vietnam ama kii Somalia oo kale suuqyada ula soo baxa oo ummad wax ka tirsanaysa ku tootjar (torture) gareeya.

Somaliland Flag

Hambalyo iyo salaana ila wadaaga, Alle na waxaan ka baryayaa in uu sanadka sanadkiisa farxad iyo barwaaqo innagu gaadhsiiyo.

Waa inoo halhayska sannadkan ee xuska sanadguuradeena 27aad

”Isku Tashi iyo isku tanaasul buu qaran ku taabo galaa”

Guul Somaliland.

Qalinkii Maxamed Yuusuf Bidhiidh ( Badda).

Leave a Reply