SOMCABLE

Amar Maxkamadeed Oo Ka Nixiyey Madaxweynaha Dalka Maraykanka iyo Ujeedadiisa

Washington, 08 Oct, 2019 (Himilo)-Garsoore Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka ayaa amray in baadhitaan lagu sameeyo Madaxweynaha Dalka Maraykanka, si loo helo cashuur celintiisa muddo sideed sanadood ah oo aan hore looga hayn.

Garsoorahan ayaa Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mr Donald Trump ku amray inuu waaxda dambi baadhista ee New York uu usoo gudbiyo cashuur celintiisii ee 8-dii sannadood ee ugu dambeysay.

Garsooraha ayaa diiday doodaha Qareenada Madaxweynaha ee ah in xassaanada guud ay ilaaliso isaga inta uu xafiiska joogo.

Trump waa Madaxweynaha keliya ee Mareykanka soo maray ee aan shaacin cashuur celintiisa tan iyo sannadkii 1960-kii.

Xukunkan maxkamadda ayaa waxa uu sahlayaa baadhitaanka ku saabsan lacagtii la sheegay in la siiyey labadii dumar ee sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump.

75-ka bog ee xukunka lagu qoray ayuu garsoore Victor Marrero ku sheegay in aanu aqbali karin, “Sheegasho aan xad lahayn oo ku aaddan xasaanadda Madaxweynaha ee nidaamka garsoorka”.

Qareenada Madaxweynaha ayaa isla markiiba dacwad racfaan ah u gudbiyey maxkamadda sare.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xukunka ka dib bartiisa Tweeter-ka soo dhigay in arrintani ay dabada ka riixayaan dacwad oogeyaasha Dimuqraadiga si Madaxweyne Trump dambi loogu helo.

Maxay arrintani salka ku haysaa?

Baadhitaanka ayaa waxa uu khuseeyaa lacag uu qareenkii hore ee madaxweyne Trump siiyey laba haween oo sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump.

lacagta la sheegay in dumarkaasi la siiyey ayaan loo soo gudbin guddiga doorashada ee federaalka.

Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah lacagtaasi la bixiyay ma waxa loogu talagalay in lagu dhowro sumcadda gaarka ah ee Mr Trump mise waxa lagu difaacayey sharafta murrashaxa Madaxweyne.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply