SOMCABLE

Algeria: Wiil Dhallinyaro Ah Oo Qudha Ka Jaray Nin Ay Deris Ahaayeen Maalintii Koowaad Ee Ciidul Adxa !

Wiil dhallinyaro ah una dhashay dalkaasi Algeria ayaa waxa uu ku kacay dil aad u fool xun, wiilkan oo ay da’diisu aheyd ayaa waxa uu qudha ka jaray maalintii koowaad ee ciidda nin ay deris ahaayeen oo magaciisana la odhan jiray Al- mahdi Diib da’diisuna aheyd 56 jir.

Dadka ku dhaqan xaafada bin caashuur ayaa waxa ay ku waabariisteen dilkaasi aadka u foosha xun sida lagu baahiyey Wargeyska Al- Nahar ee ka soo baxa dalkaasi Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Dad goob joog ahaa ayaa waxay sheegeen in ka hor intii aanu dilku dhicin ay is khilaafeen wiilkan dhallinyarada ah iyo odeygaasi uu qudha ka jaray intaasi kadibna uu wiilkaasi gurigiisa ka soo qaatay tooray kadibna uu si badheedh ah caloosha uga galiyey, odaygan ayaa waxa uu aabo u ahaa saddex gabdhood iyo hal wiil, wiilka dilkaasi foosha xuna geystay ayaa haatan ku jira gacanta ciidammada ammaanka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply