SOMCABLE

Algeria: Nin Go’aansaday Inuu Keligii Ku Noolaado Keyn Kana Dhex Baxay Dadkii Uu La Noolaa !

Nin u dhashay Dalkaasi Algeria ayaa waxa uu go’aansaday inuu ka dhex baxo dadkii uu la noolaa waxaanu guri isaga u gaar ah dhistay meel keyn ah oo ilaa iyo 800km u jirta Magaalo madaxda dalkaasi.

Ninkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa kamaal Daqman waxaanu keyntaasi ka dhistay guri loox ka samaysan oo dhererkiisu yahay 8 mitir, Kamaal ayaa waxay haatan da’diisu tahay 60jir waxaanu go’aansaday inuu keyntaasi la dhex xoogsado halkaasina uu deganaado.

Kamaal ayaa wareysi uu siiyay ArabicPost oo wargeyska Himilo ka soo xigtay waxa uu ku sheegay inuu hore uga tirsanaan jiray Ciidammada dalkaasi, balse markii uu ka fadhiistay shaqadii ciidannimo uu go’aansaday inuu keyntaasi ka dhex xoogsado.

Kamaal ayaa sheegay in aanu u baahnayn saaxiib isla markaana dabeecada iyo quruxda iyo cagaarka keyntaasi ay tahay saaxiibkiisa dhabta ah, kamaal ayaa waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay Dabeecada, waxaanan jecalahay in keligay shaqaysto waayo? Waan ku raaxaystaa marka aan keligay shaqaysanayo, anigu waxaan noolahay saaxiib la’aan waayo?, Saaxiibka xilligan waa jeebkaaga iyo Garabkaaga”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply