SOMCABLE

Algeria: Furniinka Oo Noqday Halis Soo Waajahday Bulshada Ku Dhaqan Dalkaasi !

Furniinka Lammaanaha Nolosha waddaaga ayaa aad ugu badan dalkaasi Algeria waxaana laga cabsi qabaa in haddii arrintaasi ay sii socoto bubur iyo baaba ku keento dadka u dhashay Dalkaasi.

Masuuliyiinta dalkaasi ayaa wallaac ka muujiyey kor u kaca xaaladaha Furniinka, tirakoob laga sameeyay xaaladaha furniinka ee dalkaasi ka dhacay sanadkii 2017kii waxa lagu sheegay 70 kun oo furniin.

Culimo aw diinka dalkaasi ayaa sidoo kale ka digay halista arrintani ay ku yeelan karto bulshada iyo sidoo kale jiilka soo kacaya ee dalkaasi waxaanay madaxda Dalka uga baaqeen in si qoto dheer loo baadho sababaha keenay in furniinkaasi kor u kaco.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahanada dalkaasi ayaa waxay sheegeen in sababaha ugu waaweyn ee furniinka keena ay yihiin xaaladda dhaqaale ee lammanaaha is guursada oo aan ahayn mid sugan iyo sidoo kale is fahan la’aan ka dhex dhalata dadka is calmada.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply