SOMCABLE

Alaabta Ugu Badan Ee Rakaabka Diyaaraduhu Iloobaan Marka Ay Safarka Ku Guda Jiraan !

Waxa xaqiiqo ah in marka qofku safar ku guda jiro uu soo waajaho mashquul aad u badan kaasi oo sababa in waxyaabo badan qofka musaafirka ahi iloobo.

Qiimeyn arrintaasi ku saabsan oo lagu baahiyey barta Internet-ka ee One Two Trip oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa lagu cadeeyay in 23.1% dadka musaafiriinta ahi ay iloobaan alaabo u gaar ah.

Haddaba, waxa jira alaab inta badan ay dadka musaafiriinta ahi ku iloobaan diyaaradaha ayaa waxa la xaqiijiyay inay 29% alaabaha ay rakaabku ku iloobaan diyaarada ay yihiin alaabaha Electronic ah sida teleefanada gacanta iyo sidoo kale kombuyuutarada iyo sameecadaha dhegaha.

Sidoo kale 14% ayaa ah alaabo shandadaha gacanta lagu qaato oo ay rakaabka qaarkood ku iloobaan gudaha diyaaradaha xilliga ay ka degayaan.

Halka 13% alaabaha ay rakaabku ku iloobaan diyaaradaha ay yihiin alaabaha ay ka iibsadaan suuqyada xorta ah ee ku yaalla madaarada, alaabahaasi ayaan ahayn kuwa ay dadku waayaan sababtuna waxa ay tahay in shaqaalaha diyaaradu ay u dhigaan goob u gaar ah alaabaha lagu iloobo diyaaradaha oo ku taalla madaarka gudihiisa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply