SOMCABLE

Kooxda Al-shabaab oo Weerartay Saldhig Ciidammada Puntland Ku Leeyihiin Duleedka Boosaaso

Puntland (Himilo) – Dagaalyahanno ka mid ah kooxda Al-shabaab ee fadhiisimada ku leh Buuralayda Galgala, ayaa Xalay Saqdii dhexe weerarray Saldhiyo Ciidammada Badda ee Maamul-gobolleedka Puntland ku leeyihiin Duleedka Magaalada Boosaaso.

Warar ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidammadoodu qabsadeen deegaanka Balli-khadar oo ay ku yaalleen Saldhigyada la weerarray, isla-markaana qabsadeen Gaadiid gaadhaya 8, balse markii dambe ay gubeen 7 ka mid ah, midna Qori saaran yahayna kaxaysteen, halka ay qaateen Saanaddii Ciidan ee Ciidammada badda ee Puntland u taallay halkaasi.

Warka Al-shabaab

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidammada kooxdaasi dileen illaa 7 Askari oo ka mid ah kuwa Puntland, tiro kalena dhaawaceen, wallow aanay jirin Cid Madax-bannaan oo xaqiijisay.

Weerarka dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Ciidammada Puntland ee deegaanka Balli-khadar ee duleedka Boosaaso, ayaa Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay Dawladda Somaliland, balse Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa eeddaasi ku tilmaamay mid been abuur ah, isagoo xusay in Puntland ay Mashruuc ka dhigatay inay dagaal kula jirto Al-shabaabta lagu sheego inay ku jirto Buuralayda Galgala, si ay beesha Caalamka dhaqaale ugaga helaan.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply