SOMCABLE

AKHRI: Liiska Tirada iyo Magacyada Hay’ado Xafiisyadoodu Ku Yaallaan Muqdisho Oo Xukuumadda Somaliland Xidhiidhka U Jartay iyo Wasaaradda Ay Wada-shaqaynta Lahaayeen

Hargeysa, 18 Maarij, 2018 (Himilo) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa Xidhiidhka Wada-shaqayneed u jartay 9 Ururro Samo-fal, kuwaasi oo Somaliland ka fulin jiray Hawlo qaarkood la xidhiidhaan Beeraha.

Warka Wasaaradda Beeraha ee HAy'adahaQoraal ku taariikhaysan 6-da bishan Maarij, 2018-ka oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu xidhiidhka wada-shaqayneed u goysay 9 Ururrada samo-falka, kuwaasi oo dhammaantood la sheegay in Xarumahooda waaweyni ku yaallaan Magaalada Muqdisho.

Qoraalkan oo ku qornaa Afka Ingiriisiga, balse uu Af Soomaali u rogay Wargeyska Himilo, ayuu Wasiirku ku yidhi sidan “Ka dib markii aanu dib u eegid ku samaynay hay’adaha wada-shaqayntu naga dhaxaysay ee liiskan hoose ku xusan, waxay Wasaaradda Horumarinta Beeruhu idinku wargalinaysaa Maanta laga bilaabo inay joojisay wada-shaqayntii ay la lahaan jirtay hay’adahan hoos ku taxan, ADA, APD, HOD, Juba Foundation, RAADO, SOLO, SORRIO, SRDA, ARD…”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeruhu wuxuu sababeeyay waxa keenay inay Hay’adahan Xidhiidhka u jaraan waxaanu yidhi isagoo qoraalkiisa sii wata “Asbaabahan soo socda awgood, Hay’adahani malaha Xafiisyo Cilmiyeed, Cabasho ay Hay’adahan ka soo gudbiyeen Bulshadu, ka dib markii aanu ku booqanay Deegaannadooda iyo Hay’adahan oo aan lahayn xog-diwaangashan oo la raad-raaco. Sidaa darteed waxaan halkan idiinku sheegaynaa, in aanay Hay’adahan sare ku xusan in aanay fulin karin hawlihii CFW-da iyo dedaal kasta oo la galinayo wixii hawlo ah ee la xidhiidha beeraha,  Somaliland gudaheedana aanay ka dhex samayn karin wax kaash wareejin ah, laga bilaabo bishan March, wixii go’aamo ah ee intaa ka dambeeya iyo tallaabooyinka dambe ee halkaasi laga sii qaadi doono, dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa.”

 

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply