SOMCABLE

Ahlu Sunna Wal Jamaaca Oo Dawladda Federaalka Soomaaliya Ku Eedeysay Inay Baalmartay Dastuurka Iyo Heshiiskii U Dhexeeyey

Kismaayo, 25 August, 2019 (Himilo)-Ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca ayaa sheegay inuu aad u salluugsan yahay qorshaha dib u heshiisiinta ee ay Galmuddug ka waddo Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Ahlu-Sunna ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in aanay ku qanacsanayn sida loo wado shirka dib u heshiisiinta ee ka socoda magaalada Dhuuso-Mareeb.

Haddaba, waxayaalaha ay salluugsan yihiin iyo bayaanka dib u heshiisiinta ah ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo saareen ayaa waxa BBC-da uga warramay Sayid Maxamed Xaashi oo ka mid ah xildhibaannada Galmudug ee ka soo jeeda dhanka Ahlu-Sunna, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan salluugsannnahay waxaa waayi waxa jirtay iney Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ay heshiiyeen oo la isu yimid oo la yidhi mugdigii jiray halaga gudbo, shacabka deegaankana waxay filayeen in loo gudbo neecaw iyo iney ummaddu u gudubto nabad, midnimo, wadajir iyo maamul gobolleed dowladda dhex ogol iyo in maamul gobolleedka deegaanka oo dhan uu u dhan yahay la dhiso”. Waxaanu intaasi uu ku daray, “Iyada oo arrimahaasi oo dhan la filayo ayaa waxa soo ifbaxday in deegaanadii Al-shabaab laga xorreeyey in dib gacanta looga geliyo la rabo, in hab raacii maamul ee la filayey in deegaanka laga dhisana la baal marayo arrimahaasi ayaana keenay inaan bayaan aan dowladda dhexe sida ay wax u waddo kaga soo horjeedno aanu soo saarno”.

Xildhibaan Sayid Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay dawladda Soomaaliya heshiiskii ka tallaabsatay, “Dowladda Federaalka ayaa baal mareysa oo ka baxeysa waddiiqadi iyo waddadii lagu heshiiyey ee dastuuriga ahayd marka culimaduna iyaga oo ka cabsi qaba in deegaanku ay dagaallo ka dhacaan ay isu yimaadeen oo ay go’aankaasi qaateen, Dowladda dhexe waan heshiinay waxaanu ku heshiinay qodobbo dastuuri ah wax walba oo la qabanaya oo galmudug la xidhiidhana is-ogolaansho iyo wada tashi lagu sameeyo markaa dowladda dhexe ayaad moodaa iney isku gaar yeeleyso danta ay doontaba ha ka lahaatee iney awoodii maamul iyo dhan walba oo ay noqoto isku gaar yeeleyso ayaan diidanahay, sidaasi awgeed Guddiga dib u heshiisiinta ee la magacaabay raalli kama nihin  waxna kama aanaan magacaabin marka annaga oo og inaan waxba ka magacaabin ayaa haddana nidhi bal naga daayo oo haddii ay wax qaban karaan wax ha qabtaan, guddigaasi oo haba yaraatee waxba xog ogaal aan u ahayn dhaqanka deegaanka ka jira iyo beelaha deegaanka waxay sida oo kale ka mid tahay waxayaabaha aanu diidanahay”.

Sidoo kalena deegaankan in ciidamo AMISOM la keeno wax baahi ah oo loo qabaa  kama jirto deegaankan, “Ciidanku marka la keenayo waa in la yidhaahdo dhalliishan ayaa jirta waa in la yidhaahdo baahidan ayaa jirta, markaa baahi haddii aanay jirin maxaa loo dalbanayaa waxaan u aragnaa in la rabo in dad la rabo in lagu cabbudhiyo iyo dowladda iney u isticmaasho awood iyo ismaquunin”. Ayuu yidhi Xildhibaan Sayid Maxamed Xaashi oo ka mid ah xildhibaannada Galmudug ee ka soo jeeda dhanka Ahlu-Sunna.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply