SOMCABLE

Abwaan Sheegay In Laga Hoos-qaadi Waayay Codsi Uu Ku Soo Bandhigay Madal Uu Fadhiyey Madaxweynihii Hore

 

Hargeysa, 9 Meey, 2018 (Himilo) – Abwaan Axmed Maxamed Nuur (Dhako) oo ka mid ah Suugaanyahanada reer Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumadihii hore ee Xisbiga KULMIYE ka hoos-qaadi wayday Codsi uu Fagaare ku soo bandhigay, kaasi oo in laga taageero inuu Aroosto Gabadh uu sheegay inuu jecelahay, loona sameeyo Aroos Qaran.

Abwaan Dhako oo ku soo caan-baxay Gabay uu ugu Magac-daray ‘Siilaanyaa Gabyoo yidhi’ ayaa sannadkii hore Madal uu fadhiyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku soo bandhigay Codsi ah in la taageero oo loo sameeyo Aroos Qaran, laakiin tan iyo markii uu Codsigaa soo bandhigay illaa xilligan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE waxba kama hirgelin Codsigiisii, sidaasi darteed ayuu Abwaanku waraysi uu toddobaadkan bixiyey ku sheegay in codsigiisii aanay waxba ka hirgelin.

Abwaan Dhako oo hirgelid la’aanta Codsigaasi hor-dhac uga dhigay Wareysi laga qaaday, ayaa arrintiisa ku masaalay arrin Lixdamaadkii laba Abwaan oo reer Hargeysa ah ku qabsatay Magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi “Lixdamaadkii markaynu Koonfur isku biirnay ayaa Niman waaweyn oo Abwaano ah ayaa halkan ka tagay oo Xamar tagay, reer Xamarku ma yaqaanaan Shaxaadka, Fankuna muu qarxin wakhtigaa oo Lacag muu yeelan, Nimankii aad bay meesha ugu busaaradaysteen, subaxdii dambe ayay soo kaceen iyagoo Lacag la’, waxay iswaydiiyeen ‘maxaynu yeelnaa’ mid baa yidhi ‘meesha ku busaasadnee waxaad yeeshaa Baabuurta Calanka leh ee Safaaradaha, kuwa Carabaha, kuwa Yurubta, kuwa Maraykanka, mid iskugu keen dhig, si aynu wax uga helo, aniguna waxaan odhanayaa ha iga dhaqaaqina (Markay ku jiidhaane), iyagoo wada-hadlaya ayay arkeen gaadhi Calan leh oo soo ordaya, dabadeedna wuxuu yidhi dee kan ba aan isku dhigo, wuu isku dhigay, dabadeedna gaadhigi baa turuska ku dhuftay Ninkii (Abwaanka ahaa), Abwaakii kale ayaa gaadhigii Turuska ka garaacay oo yidhi Ninku wuu liitaa, Nimankii baa soo degay, Show Nimanku waa Ruush, Ruushkana waxay bixiyaan iska daayoo Roodhida ay Xamar ku cunayaan Moosko ayaa looga soo diri jiray, dabadeedna Abwaankii lama hadal Raggii Ninka jiidhay, laakiin wuxuu ku foorarsaday Ninkii la jiidhay, markaasuu yidhi ‘ka kac ka kac Ruush bay innaga noqotee..”

Abwaan Dhako oo hadalkiisa sii wata isla-markaana Qisadaa waafajinaya Codsigiisa aan hirgelin ayaa yidhi “Markaa qoladaa KULMIYE Aniga Ruush bay igu noqdeen, waayo ? meel aan loo kala maqnayn oo Madaxweyne, Wasiirro (joogaan), baan is idhi Inantaa aad jeceshay Arrinkeeda si Qaran ha loogu qaabilee (ku sheeg), laakiin Wallaahi gaadhigaa aan isku dhigay Ruush buu igu noqday si kale kuma garatide…”

Abwaanka ayaa Qisada uu ka sheekeeyay iyo Hirgelid la’aanta codsigiisa ee uu tilmaamay ka dib, tiriyey Gabay uu ugu Magac-daray ‘Muusaa Gabyoo yidhi’.

Leave a Reply