SOMCABLE

Abwaan Saxardiid-Jebiye Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Iyo Taariikhda Waayihiisii Nololeed

Hargeysa, (Himilo)-ALLE naxariistii jannatul fardowsa ha ugu deeqee Marxuum Abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Allah ha u naxariistee waxa magaalada Hargaysa ku geeriyooday Abwaankii weynaa ee Saxardiid Maxamuud Cilmi oo ku magac dheeraa Saxardiid Jebiye.

Saxardiid Jabiye waxa uu 1938-kii ku dhashay magaalada Hargeysa, wuu ku barbaaray waxaanu maanta ku geeriyooday isla magaalada Hargeysa.

Abwaan Saxardiid waxa uu ahaa hal abuur hibo gaar ah u leh tirinta maansada iyo falkinta codadka heesaha lagu qaado. Laxanno badan oo caan ah oo weliba kuwa loogu jecel yahay codadka Qaraamka ah ayuu magaciisu ku suntan yahay.

Marxuum Saxardiid wuxu halgan dheer oo af iyo adin ba leh kaga qayb galay halgankii xorriyad doonka ee gumeystihii Ingiriiska ay shacabkii Somaliland kaga soo horjeedeen. Waxaanay sugaantiisu waayadaa ka mid ahayd tii shucaaha xorriyad doonka ifisay ee Soomaalidii kale ee Geeska Afrika ku saaqday dareenka ummadnimo iyo xorriyada labada.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply