SOMCABLE

76 Jir U Dhalatay Dalka Masar Oo Ka Qayb Gasha Tartanada Dabaasha Haweenka !

Haweenay u dhalatay Dalka Masar oo magaceeda la yidhaahdo Najwa Quraab da’deeduna haatan tahay 76 jir ayaa waxay ka qayb galaysaa Tartanada Dabbaasha Caalamiga ah.

Najwa ayaa waxay dabbaasha Bilawday markii ay da’deedu aheyd 4 jir, arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay tahay in billadii dahabka aheyd ee ay ku guuleysto waxay heshay markii da’deedu aheyd 72 jir, dhammaan tartamada ay ka qayb gali jirtay ee hore marnaba kumay guuleysan wax billad dahab ah.

Najwa ayaa waxay haatan qaadataa Tababbaro shan maalmood toddobaadkii waxaanay sheegtay in da’da ay tahay aanay caqabad ku noqon karin inay gaadho hadafkeeda oo ah inay Dalkeed metasho kuna guuleysato billado badan oo dahab ah.

Najwa oo ka hadlaysa hadafkeeda ayaa waxay tidhi, “Cimrigu Caqabad Ma Noqon Karo haddii ay qofka ka go’an tahay inuu hadafkiisa gaadho”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply