SOMCABLE

70 Qof Oo U Dhashay Dalka Qatar Oo Gaadhay Dalka Sucuudiga Si Ay Gutaan Cimrada Sanadkani !

Dalalka Sucuudiga ayaa Qadar ayaa in muddo ah wax soo dhex khilaaf laxaad leh oo sababay in labadaasi dal isku adeegsadaan wakaaladaha wararka ee kala duwan isla markaana ay dhaliilaha isku mariyaan wakaaladahaasi wararka ee kala duwan.

Waxa Dalka Sucuudiga gaadhay 70 qof oo u dhashay dalkaasi Qadar, kuwaasi oo gudanaya Cimrada sanadkan waxa aanay dawladda Sucuudigu dadkaasi u soo dhaweysay si aad u heer u saraysa, ha’yadda Xajka iyo Cimrada ee dalalkaasi Sucuudiga ayaa sheegtay inay fulinayaan Amar ka soo yeedhay Boqorka dalkaasi Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis oo ku amray in dadka u dhashay dalkaasi Qadar loo hawl fududeeyo.

Sidoo kalena, dadka u dhashay dalkaasi ayaa waxa ay si toos ah u tagi karaan dalkaasi Sucuudiga iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhaynin.

Tallaabada boqorka Sucuudiga ayaa ah mid muujinaysa niyad wanaag wallaw uu wali taagan yahay khilaafka ka dhexeeya labadaasi dal ee qotada dheeraaday.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply