SOMCABLE

Cajiib: Bukaan Calooshiisa Laga Soo Saaray Findhicilka Ilkaha !

Nin u dhashay Dalka China ayaa lagu sameeyey Qaliin aad u layaab badan kadib markii ninkaasi uu muddo aad u dheer ka cabanayey xumad aad u daran iyo calool xanuun.

Sababta xanuunkaasi ku keentay ayaa waxay tahay in ninkani uu si qaldan u liqay Findhicilka Ilkaha oo calooshiisa degay, marar dhawr ah ayaa ninkani waxa uu u tegay dhakhaatiir, balse nasiib daro may ogaanin waxa uu ka cabanayo.

Sida lagu baahiyey Sky News ee Wargeyska Himilo ka soo xigtay bukaankan ayaa waxay ay da’diisu tahay 29 jir waxaana magaciisa la yidhaa Zhou waxaanu sheegay inuu findhiclkaasi ku riday Koob uu wax ku cabo si aanay dadka martida u ahi aanay uga isticmaalin waxaanay dhakhaatiirta haatan daaweeyay ay sheegeen in findhicilkaasi uu ninkani liqay sanado ka hor.

Findhicilka ninka laga soo saaray ayaa cabirkiisa ku sheegeen inuu ahaa 6cm, waana sababta ninkaasi ku keentay xanuunka xad dhaafka ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply