SOMCABLE

Cajiib: Dhakhtar Seexday Xilli Uu Daawaynayey Qof Bukaan Ah Oo Gacantu Burburtay !

Haweenay kalkaaliso caafimaad ah oo ka hawl gasha mid ka mid ah dhakhaatiirta Dalka China ayaa waxay baraha bulshada ku baahisay Sawir ay ka qaaday dhakhtarka ay la shaqeyso.

Sawirkaasi ayaa waxa aad u qaadaa dhigay wakaaladaha wararka Dunida waxaana lagu baahiyey Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, waxaanu sawirkaasi xambaarsanaa Dhacdo cajiib ah oo aan hore loo arag oo ah in nin dhakhtar ahi uu ku dul gam’ay Bukaan uu qaliin ku sameynayey.

Dhakhtarkani oo magaciisa la yidhaahdo Lu Shanping,Dr Lu ayaa waxa uu maalintaasi shaqeynayey muddo 20 sacaadood ah waxaanu galay 5 qaliin oo xidhiidh ah.

Haddaba, markii uu ka soo baxay qaliinkii shanaad ayaa waxa uu galay xafiiskiisa waxaana dhakhtarka la keenay nin gacanta ka dhawaawcmay oo u baahday qaliin degdeg ah sidaasi ayaanu Dr Lu ku galay qaliinkii lixaad.

Markii ui qaliinkii dhammeeyay ayaa waxa uu ku dul gam’ay bukaankaasi uu qalayey waxaanu Dr Lu sheegay in aanu arrintaasi filaneyn waxaanu yidhi, “Markii aan qaliinka dhammeeyay waxaan rabay in aan indhaha isku yara qabto oo aan nasto, ismaan lahayn seexo”.

Sawirka Dr Lu ayaa aad loogu qaadaa dhigay Baraha Bulshada waxaanay dad badani la yaabeen hurdada dhaktarka, balse bukaankii uu qaliinka ku fuliyey ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply