SOMCABLE

Tirada Dadka Saboolka Ah Ee Ku Nool Dalka China !

Dalka China waa dal ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan guud ahaan dalalka caalamka, iyadoo dadka ku nooli ay u dhigmaan 18.75%, tirada dadka adduunka, isla markaana tirada dadka ku nool dalka china waa 1,373,541,278 oo qof.

Tirada dadka saboolka ah ee ku nool dalkaasi china ayaa hoos u dhacday sanadadii u dambeeyay sida lagu cadeeyay warbixin uu soo saaray Baanka Adduunka oo qiimayn ku sameeyay arrintaasi.

Tirada dadka saboolka ahaa ee ku noolaa dalka China sanadkii 1990kii, waxay aheyd 755.8 Milyan oo qof, haatana tirada dadka saboolka ah ee dalkaasi ku nool waxay maraysaa 10 Milyan oo qof.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply