SOMCABLE

Dab Qabsaday Suuq Qarniyaal Jiray Iyo Baaxada Khasaaraha Ka Dhashay !

Dab laxaad leh ayaa waxa uu qabsaday Suuq taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Karkuk ee Dalka Ciraaq.

Suuqan ayaa waxa uu jiray in ka badan 200 oo sanadood, qaar ka mid ah dadka suuqaasi ka ganacsada ayaa waxay sheegeen in dabkaasi ay dad ka dambeeyeen isla markaasina aanu ahayn dab si dabiici ah u qabsaday suuqa.

Suuqan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Al-qaysariya waxaanu dabkaasi gallaaftay hanti mallaayiin ah, mid ka mid ah ganacsatada suuqaasi dahabka ku iibisa oo magaciisa la yidhaahdo Xaqi Ismaaciil ayaa waxa uu sheegay in dahabka ku khasaaray suuqaasi qiimihiisu uu dhan yahay hal Milyan oo dollar.

Madaxda Magaaladaasi Karkuk ayaa waxay sheegeen inay qiimayn ku samaynayaan khasaaraha ka dhashay suuqaasi, sidoo kalena waxay sheegeen in la caawin doono ganacsatada uu khasaaruhu soo gaadhay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply