SOMCABLE

Ronaldo Oo Ka Hor Yimid Qorshe Ay Real Madrid Ku Doonaysay Edinson Cavani

Real Madrid ayaa la sheegay inay isha ku haysay gool dhaliyaha PSG ee Edinson Cavani, kaas oo ay doonaysay inay ku xoojiso afkeeda hore ee weerarka.

Qorshahan ayaa waxa la sheegay in uu si aad ah uga soo horjeedsaday xiddiga kooxdaas Cristiano Ronaldo oo u sheegay madaxda naadigaas in aanu ogolaanaynin in weeraryahan cusub uu ka garab ciyaaro, isla markaana uu doonayo inuu la shaqeeyo Karim Benzema oo dhaawac jilibka ah ku maqan.

 

 

Sida uu qoray wargeyska Diario Gol, Real waxay doonaysay inay bisha January u xadhko-xidhato helista weeraryahanka Cavani, kaas oo ay doonayso inay kaga faa’iidaysato gadood uu ka qaaday Neymar oo masuuliyadda PSG loo xambaariyey.

Ronaldo ayaa ku raaxaysta garoonka marka uu la ciyaarayo Benzema, kaas oo kubbadaha si hagar la’aan ah u siiya si uu goolal badan u dhaliyo.

Laacibka reer Portugal ayaa sidoo kale la sheegay inuu kooxdiisa hor istaagay inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Leave a Reply