SOMCABLE

“1991, 1992, 1993 Iyo 1994-Kii Ayaa La Iswaydiinayey Beel Heblaayo Miyey Meesha Ka Maqan Tahay, Laakiin Su’aashaasi Maaha Mid Maanta Inoo Taalla, Waayo….” ?

Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Fagaare Ka sheegay Inaan la joogin wakhti laga wer-wero Midnimada Shacabka Somaliland

 Hargeysa, 19 Juulaay, 2018 (Himilo) –  Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa meesha ka saaray Midnimo la’aanta Bulshada Somaliiland ee Dadka qaarkood sheegaan inay ka jirto Somaliland xilligan.

Suldaan XasanSuldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi wuxuu sheegay in Beelaha Somaliland wada degaa u dhan yihiin Dalka isla-markaana midnaysan yihiin.

Suldaanka oo Shalay hadal ka jeediyey Xaflad lagu furay Huteel laga hirgeliyey Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horreyn u duceeyay Ergada Nabadeed ee Degmada Ceel Af-weyn u jooga dhexdhexaadinta labada Beelood ee Walaalaha ah, waxaanu yidhi “Waxaan u ducaynaa ergada ugu Miisaanka Cuslayd ee Xallinta Colaadda Ceel Af-weyn ee labada Beelood ee Walaalaha ah oo Shir-guddoonkoodii doortay, waxaan leeyahay Ilaahay haku guuleeyo.”

Suldaan Xasan waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay inaan la joogin xilli laga dayriyo Midnimada Shacabka Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland in la wada leeyahay yuu muran kaga jiraa 30 Sannadood ayay maraysaaye, yaa ka maqan, Dad baan ka maqlay iyagoo leh ‘Somaliland la wada leeyahay’, dhegahaygu aad bay u deedafeeyaan (Hadalkaa) Waayo? Somaliland waa la wada leeyahay cid ka maqana ma jirto…”

Suldaanka Guud waxa kale oo uu sheegay “1991, 1992, 1993, 1994-kii ayaa la iswaydiinayey Beel Heblaayo miyey meesha ka maqan tahay, laakiin Maanta Su’aashaasi maaha mid inoo taalla, Waayo? Somaliland daraf illaa daraf waa isku xuquuq, way midaysan tahay..” ayuu yidhi.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply